Golaha wakiillada oo u Yeedhay Masuuliyiinta guddida Maamul Wanaaga.

0
322

Hargeysa (Dawan) – Guddida ilaalinta iyo dabogalka hantida hantida qaranka golaha wakiilada Somaliland ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay masuuliyiinta Guddida Maamul wanaaga.

Gudoomiyaha guddida ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Mustafe Khayreye ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulankoodaasi, waxaanu gudoomiyuhu ugu horeyn uga mahadcileyey masuuliyiinta guddida maamul wanaaga, qaabka fiican u soo ajiibeen dalabkii guddi hoosaadkaas ilaalinta hantida qaranka.

Xildhibaan Mustafe Khayreye gudoomiyaha gudidaasi ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka golaha wakiilada Somaliland waxa kale oo uu xusay in masuuliyiinta maamul wanaaga ay ka wada hadleen howsha qaranka Somaliland u hayaan iyo qaabka uga howlgalaan hay’addaha kala duwan dawlada Somaliland.

Geesta kale gudoomiyaha hay’adda maamul wanaaga iyo ka hortaga Somaliland Liibaan Ismaaciil Buraale ayaa u mahadceliyay guddidaas ilaalinta iy dabogalka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland, waxaanuu xusay uu ay guddidaas warbixin ka siiyeen shaqada ay qaranka u hayaan, waxaanuu intaas ku daray in ay xildhibaanada guddidaas uga jawaabeen su’aalihii ay waydiiyeen.

Leave a Reply