Shir saddex Geesood ah oo laga yeeshay Qodista Shidaalka Dalka

0
400

 

“Waxaan aaaminsanahay in Somaliland Shidaal ka buuxo, lana Maal-gashan karo” madaxda GENEL ENERGY.

 Hargeysa-(Dawan):-Shir saddex geesood ah ayaa shalay laga yeeshay sahaminta iyo qodista shidaalka ku jira Somaliland, kulankaa s oo ay wada yeesheen Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland shirkadda GENEL ENERGY iyo shirkadda dalka Taiwan ee CPC.

Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Macdanta iyo Tamarta Somaliland  ayaa xaruntooda shalay kulan kula yeeshay madaxda shirkadaha GENEL ENERGY iyo CPC Taiwan kuankaas oo la xidhiidhay sahaminta iyo  qoditaanka shidaalka dalka, oo la qorsheynayo sannadka dambe.

Kulanka oo uu guddoominayey Wasiirka Tamarta Mudane.= Cabdillahi Faarax Cabdi, isla markaana goobjoog ahaayeen Agaasimaha Guud Mukhtaar Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Shidaalka iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda Tamarta ayuu ku qaabilay wefdi ka socda shirkada GENEL Energy oo u hoggaaminayey Mr. Mike Adams, Agaasimaha Farsamada iyo madaxa xafiiska GENEL ee Hargeysa Ibraahim iyo Cabdi Cabdillahi Janaale.

Kulanka labada dhinac oon laga soo saarin tafaasiil dheeraad ah, ayey dhinaca kale, Madaxda Wasaaradda Tamarta iyo GENEL ENERGY kulan habka fogaan-aragga (Online zoom) kula yeesheen madaxda shirkada CPC ee dalka Taiwan oo dhowaan ku soo biirtay hawlaha sahaminta shidaalka dalka.

Wefdiga shirkada Sahaminta GENEL ENERGY oo Isniintii lagu soo dhaweeyey madaarka Ciqaal, ayuu Agaasimaha Guud  Mukhtaar oo ka hadlayey sheegay in safarka masuuliyiintaasi gogol-xaadh u yahay dardar gelinta iyo daah-furka mashruuca shidaal qodista Somaliland, oo la filayo inuu sannadka dambe bilaabmo.

Wefdiga GENEL ENERGY oo u hoggaaminayey Agaasimaha Farsamada Mr. Mike Adams ayaa sheegay in muhiimada socdaalkooda dalku la xidhiidho dardargelinta hawlahii sahaminta aanu wadnay, loona sii dhaqaajin lahaa.

Mr. Adams oo madaarka Ciqaal warbaahinta kula hadlayey Isniintii ayaa raaciyey, waxaan soo dhoweynaynaa shirkada CPC Taiwan oon iska kaashan doono hawlaha sahaminta gaasta & Shidaalka Somaliland. Waxaan rajeynaynaa inaanu si buuxda uga hawlgeli doono Sahaminta & Qodista sannadaha soo socda.”

Wasaaradda Tamarta oo sanadihii u dambeeyey ku jirtay hawlgalo la xidhiidha sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka, oo mashruuca sahaminta iyo soo-saarista shidaalka oo marxalado cusub gelaya xilligan qeyb ka yahay.

 

 

 

Leave a Reply