Shirkad Shaqaale Ka Dhigtay Shimbirka Tukaha!

0
697

Dalka Sweden shirkad nadafaadda ka shaqaysa ayaa shimibirka Tukaha u shaqaalaysay in uu soo ururiyo dabada sigaarka (Haashka) oo ka kooban 60% xashiishka dalka Sweden.

Tukaha ayaa la baray soo ururinta dabada sigaarka iyo geynta mishiinka loogu talo galay, iyadoo isla markaana la siinayo shimbirkaasi midhaha milawska. Shirkadda ayaa rabta in ay yarayso kharashka faraha badan ee sanad kasta ku baxa nadiifinta haashka sigaarka.

Shirkadaha ka sheqeeya dib u wershadaynta hadhaaga alaabooyinka aya iyaguna cadeeyay in sanad kasta lacag ka badan 2 bilyan doller ay ku baxdo nadaafadda hadhaaga sigaarka.

Mashruucan oo laga fuliyay magaalada Södertälje ayaa la sheegayu in sanadkii ay ku baxdo ururinta qashinka magaaladan lacag ku dhow 2 milyan oo doller.  Eng. Christain oo ah curiyaha fikraddan ayaa sheegay in 75% ay  shaqada Tukuhu hoos u dhigi doonta kharashkii faraha badnaa ee ku baxayay.

Christain ayaa cadeeyay in Tukuhu uu yahay shimbir maskax furan oo uu durbadiiba la qabsaday tababarka ururinta dabooyinka sigaarka. Waxa kale oo uu intaasi raaciyay in marka ay keenaan keliya la siiyo raashin laakiin ay hawshooda si fiican u gutaan. Waxa kale oo uu cadeeyay in mararka qaarkood ay khalad sameeyaan iyagoo cuna qashinka ay ururinayaan.

Leave a Reply