Wafti Culus Oo Midowga Yurub Ka Socda Oo Somaliland Soo Gaadhay

0
264

Hargeysa (Dawan) – Wafti ka kooban 10 safiir oo ka socda Midowga Yurub, ayaa safar ku yimid caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Wasiirka arrimaha dibbada Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud,  ayaa warbaahinta uga warbixiyay waftiga, ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay oo wafti meeqaam kan lihi yimaado Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Waftigani waa wafti aad u miisaan leh, waa markii ugu horraysay ee wafti intaa leeg oo safiiro reer Yurub ahi uu waddanka yimaado, dhamaan Yurub oo dhan ayaa timid”

Wasiirka ayaa sheegay in waftigani ay Somaliland u yimaadeen xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Midowga Yurub “Waa kor usii qaadista xidhiidhadii aynu adduunyada la lahayn, adduunyadii ayaa inoo soo jeedsatay markaa waa in aynu markawalba ka faa’iidaysanaya, waa toban qof oo wada safiiro sare ah”.

Wasiirka ayaa sheegay in socdaalka waftigani uu ka dhigan yahay in adduunku uu Somaliland usoo jeedsaday “Waxad moodaa in siyaasadii arrimaha dibbada Somaliland iyo adduunyadii ay aad iskugu furantay, waxad moodaa in adduunkii aad inoo danaynayo”.

Waftiga ayaa saacadaha soo socda kulan la qaadan doona madaxweynaha Somaliland sida uu wasiir Kayd sheegay.

Leave a Reply