Wasaaradda Warfaafinta oo Soo Bandhigtay Daraasad ku Saabsan sida Bulshadu Ugu Xidhan Tahay Warbaahinta Qaranka

0
407

Hargeysa (Dawan) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinata Somaliland oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi ayaa furay kulan lagu soo bandhigayey cilmi baadhis laga sameeyey dhagaystayaasha Radio Hargeysa.

Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasime ku xigeenka Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigalinta Sakariye Cabdi Sulub oo sharaxay cilmi baadhistan lagu ogaanayey dhagaysatayaasha Radio Hargeysa iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha Idaacadda Radio Hargeysa Axmed Ibraahin Cali oo ka warbixiyey faa’idada ay leedahay in la ogaado dhagaystayaasha Radio Hargeysa ee baahinaha kala duwan.

Maxamed Xasan Cali Waji, Agaasimaha dhaqanka ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jsl ayaa ka sheekeeyey taariikhdii dheerayd ee ay soo martay Idaacadda Radio Hargeysa, waxaanu bogaadiyey cilmi baadhistan lagu ogaanayo dadka ku taxan Radio Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa faahfaahiyey daraasadan lagu ogaaday dhagaystayaasha Radio Hargeysa, isagoo tilmaamay in Radio Hargeysa tahay idaacadda ugu dhagaysiga badan illaa aas aaskeedii.

Sidoo kale, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradahah, Horumarinta Maaliyadda, Qorshaynta Qaranka, Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda iyo Agaasimaha fulinta ee komishanka AIDS ka oo dhammantood bogaadiyey daraasaddan lagu ogaaday Dhagaystayaasha Radio Hargeysa, waxaanay u mahadceliyeen cid kasta oo hawshaa mihiimka ah Qaranka u qabatay.

Ugu dambayn, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinga JSL Md Cabdiraxmaan Cali Axmed ayaa sheegay inay waajib tahay inaynu ogaanno cidda inagu xidhan ee ina dhagaysata, waxaanu bogaadiyey cid kasta oo hawshaa qabatay isla markaana soo bandhigtay

Leave a Reply