Dhinacyada ku Bahoobay Wadaagga Xadhiga Internet-ka ee Fiber Optic oo Kulankii u Horreeyay Yeeshay

0
321

Hargeysa(Dawan):-Waxaa shalay  kulunkii ugu horeeyey  wada yeeshay  dhinacyada ku bahoobay heshiiska wadaaga xadhiga internet-ka ee fiber optic-ga,kualnkaas,kulankaa soo ay ka soo wada qayb galeen dhammaan saamilayda ku shehiiyay wadaagga xadhigga fiber optic-ga, ee Internetka ayaa lagu kala saxeexday saamigay ay kala syeelanayaan dhinacyadu.

Waxaa kale oo lagu aasaasay kulankaa shirkadda maamulaysa xadhiga Internetka ee fiber optic-ga, oo yeelan doonta golaha maamulka sare.

War qoraal ah oo kooban oo lagu baahiyay barta Face book ee wasaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo ka mid ah saamilayda heshiiska wadaagga fiber optic-ga,,ayaa lagu yidhi.

Waxaa manta(shalay) kulunkii ugu horeeyey ee dhinacyada ku bahoobay heshiiska wadaaga xadhiga internet-ka ee fiber optic-ga uu ka qabsoomay xarunta guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL. Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan dhinacyadda heshiisku ayaa manta(shalay) lagu aas-aasay shirkadda maamulaysa xadhiga internet-ka ee fiber optic-ga oo yeelan doonta golaha maamulka ee sare (board of directors) iyo maamul iyo shaqaale kale oo maarayn doona isticmaalka xadhiga fiber-ka ee dhinacayada heshiiska iyo cida kale ee danaynaysaba.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa dhinacyada heshiisku ku saxeexeen heshiiska saamilayda (shareholder agreement).

Heshiiska ay toddobaadkii hore galeen shirkaduhu oo ay ku bahoobeen sidii ay u wada isticmaali lahaayeen kaabayaasha kala duwan ee fududaynaya adeegyada shirkaduhu bixiyaan ayaa ah mid bogg cusub u furay wada shaqaynta iyo isku soo dhawaanshaha shirkadaha oo ay dan badani ugu jirto shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Aragtida Wasaaraddu waa in mar kasta la fududeeyo nidaamka ganacsiga ee shiradaha isgaadhsiinta, si adeega bulshada gaadhayaa u fududaado islamarkaana ula jaanqaado isbedelka tiknoolajiyadda ee adduunka.

 

 

Leave a Reply