France iyo Midowga Yurub oo ciidamadooda kala baxaya Mali

0
321

PARIS (Dawan)  Madaxweyna Emmanuel Macron ayaa ku dhowaaqay in France ay ciidamadeeda kala bixi doonto Mali, sagaal sano kadib markii ay faro-gelisay dalkaas si ay ula dagaalanto xagjiriin Islaami ah.

Hase yeeshee Macron ayaa sheegay in Paris ay sii joogteyn doonto joogitaankeeda militari ee dalalka Mali deriska la ah ee Galbeedka Afrika.

Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Paris, Macron ayaa ku eedeeyey militariga xukuma Mali inay dayaceen dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta Islaamiga ah, sidaas darteedna ay ciidamadooda la baxayaan, sabbabta oo ah buu yidhi, ‘Kaalintooda ma ahan in dal madax-banaan ay ku beddelaan goobta dagaalka.’

“Guul laga gaadho argagixisada suurta-gal ma ahan, haddii aanay taageereyn dowladda nafteeda,”Ayuu yidhi Macron.

France ayaa waxaa gobolka Sahel ka jooga 4,300 oo askari, oo ay ku jiraan 2,400 ku sugan Mali. Ciidamadan oo loogu yeedho Barkhane ayaa sidoo kale ku sugan Chad, Niger, Burkina Faso iyo Mauritania.

Afhayeen u hadlay ciidamada France, Col. Pascal Ianni ayaa sheegay in France ay ugu dambeyn ciidamadeeda Sahel ku yareyn doonto 2,500 illaa 3,000.

Bishii August 2020, Mali waxaa ka dhacay afgambi uu xukunka kula wareegay Col. Assimi Goita. Sannadkii tegay, waxaa Mali sidoo kale ka dhacay afgambigii labaad ayada oo Goita uu kala diray dowladdii rayidka aheyd ee ka dhalatay afgambigii koowaad, mar kalena qabsaday xukunka.

“Kuma lug yeelan karno howlgal militari oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiinta ku-meel gaarka ah ee Mali oo aynan wadaagin xeelad iyo ujeedooyin,”ayuu yidhi Macron.

Hoggaamiyayaasha Yurub ayaa sidoo kale maanta ku dhowaaqay in ciidamada militari ee Midowga Yurub ee loo yaqaan Takuba ay ka bixi doonaan Mali.

Xoogagga Takuba ayaa ka kooban dhowr boqol oo askari oo si gaar ah u tababaran oo ka socda in ka badan 10 dal oo Yurub ah, oo France ay ku jirto.

AP

Leave a Reply