Ronaldo, Messi, Pele iyo Mayweather oo ka Mid Noqday 50-ka Ciyaartoy ee la Buun-buuniyey

0
754

Halyeygii xulka qaranka England iyo kooxaha Manchester United, Real Madrid, Paris Saint-Germain, AC Milan iyo LA Galaxy ee David Beckham ayaa kaalinta koowaad ka galay 50ka ciyaartoy ee la buunbuuniyey ee la gaadhsiiyey heer aanay taagnayn, iyadoo la adeegsanayo saxaafadda.

Kalidii ma aha, waxaase liiska ku wehelinaya Lionel Messi oo toddoba jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or iyo Cristiano Ronaldo oo isaguna shan jeer ku guuleystay.

Waxa kale oo layaab leh, in liiskan ay ku wehelinayaan xiddigo kale oo waaweyn, sida halyeyga Brazil ee Pele oo lagu tilmaamo inuu yahay Boqorka kubadda cagta.

Diego Maradona iyo Ronaldo Nazario ayaan ku jirin liiskan, hase yeeshee Ronaldinho ayaa isagana lagu soo daray liiska xiddigaha la buunbuuniyey ee la gaadhsiiyey heer aanay ka taagnayn xirfad ahaan.

Feedhyahanka Mike Tyson, ninka siyaasadda iyo feedhka isku dhex wada reer Filibiin ee Manny Pacquiao iyo xataa xiddiga kubadda Kolayga ama NBA-da Maraykanka ee LeBron James ayaa isaguna ku jira liiska xiddigaha la buunbuuniyey.

Halkan kaga bogo 50ka ciyaartoy ee la buun-buuniyey iyo tartamada ay ka ciyaaraan

  1. Brett Favre (American football)
  2. Ricky Hatton (boxing)
  3. Michael Vick (American football)
  4. Michael Sam (American football)
  5. Floyd Mayweather Jr (boxing)
  6. Reggie Bush (American football)
  7. Antoine Walker (basketball)
  8. Wilt Chamberlain (basketball)
  9. Lionel Messi (football)
  10. Yao Ming (basketball)
  11. Allen Iverson (basketball)
  12. Tony Romo (American football)
  13. Tim Tebow (American football)
  14. Tim Duncan (basketball)
  15. Sidney Crosby (ice hockey)
  16. Vince Carter (basketball)
  17. Muhammad Ali (boxing)
  18. LaMarcus Aldridge (basketball)
  19. Manny Ramirez (American football)
  20. Peyton Manning (American football)
  21. Barry Bonds (baseball)
  22. Tom Brady (American football)
  23. Klay Thompson (basketball)
  24. Dirk Nowitzki (basketball)
  25. John Cena (wrestling)
  26. Randy Moss (American football)
  27. Johnny Manziel (American football)
  28. Cam Newton (American football)
  29. Emmitt Smith (American football)
  30. Tiger Woods (golf)
  31. Russell Wilson (American football)
  32. Alex Rodriguez (baseball)
  33. Michael Jordan (basketball)
  34. Manny Pacquiao (boxing)
  35. Ronaldinho (football)
  36. Stephen Curry (basketball)
  37. Mike Tyson (boxing)
  38. Joe Namath (American football)
  39. Babe Ruth (baseball)
  40. Danica Patrick (motor racing)
  41. Cristiano Ronaldo (football)
  42. LeBron James (basketball)
  43. Terrell Owens (American football)
  44. Scottie Pippen (basketball)
  45. Kobe Bryant (basketball)
  46. Eli Manning (American football)
  47. Pele (football)
  48. Shaquille O’Neal (basketball)
  49. Michelle Wie West (golf)
  50. David Beckham (football)

Leave a Reply