Booliska Adduunyada oo Raadinaya Xiddiga Reer Brazil ee Robinho

0
306

Booliska waddanka Talyaaniga ayaa dalbaday in loosoo gacan-geliyo xiddiga reer Brazil ee Robinho oo dhowaan lagu xukumay sagaal sannadood oo xadhiga ah, waxaana waarankiisa soo qabashada gacanta laga geliyey booliska caalamiga ah ee dembiyada dunida.

Robinho ayay maxkamadda sare ee Talyaanigu bishii hore ku xukuntay sagaal sannadood oo xadhig ah kaddib markii lagu helay inuu qayb ka noqday kufsi wadareed ka dhacay dalkaas oo loo geystay gabadh yar sannadkii 2013kii.

38 jirkan oo waqtiga uu falkan geystay ku sugnaa waddanka Talyaaniga oo uu u ciyaari jiray AC Milan, ayay boolisku doonayaan in lagu xidho gudaha Talyaaniga, halka waddanka Brazil uu sharcigu diidayo in muwaadiniintooda ay dal kale u gacan geliyaan.

Wargeyska La Repubblica ayaa qoray in hadda ay booliska Talyaanigu u gudbiyeen booliska caalamiga waaran soo qabasho oo caalami ah si loogu xidho gudaha Talyaaniga.

Jacopo Gnocchi oo ah qareenka u doodaya gabadha la kufsaday ayaa yidhi: “Waxaanu ognahay in booliska Milan ay u gudbiyeen masuuliyiinta Brazil codsi soo qabasho, iyaga oo usii maraya wasaaradda caddaaladda.

“Dhibbanuhu ma kala jecla haddii Robinho uu xukunkiisa ku qaato Talyaaniga ama Brazil. Waxa ugu muhiimsani waa caddaaladda iyo inuu xukunka dhamaysto.”

Robinho ayaa AC Milan uw areegay sannadkii 2010 kaddib laba sannadood oo uu u ciyaaray Manchester City oo lacag badan kasoo bixisay, waxaana 108 ciyaarood oo uu u saftay Milan uu u dhaliyey 25 gool.

Kaddib saddex sannadood oo uu ka ciyaaray Talyaaniga waxa uu sannadkii 2020 dib ugu laabtay Brazil oo uu kooxdiisii hore ee Santos uu dib ugu laabtay.

Leave a Reply