Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo ka hadlay Xaaladda Sicir’bararka ee Dalka.

0
262

Hargeysa (Dawan)  Guddoomiyaha  gobolka Maroodijeex, mudane Maxamed Cilmi Axmed, ayaa  ka hadlay dedaallada ay xukuumaddu ugu jirto wax-kaqabasahda Sicir bararka maciishadda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xukuumaddu ay hore u samaysay dedaallo ay kaga hortagayaan maciishadda quutul daruuriga inay sare u kacdo, isagoo tilmaamay inay weli ay xukuumaddu waddo sidii loo jebin lahaa sicir bararka ka taagaan suuqyada dalka, waxaana uu sheegay in mar walba ay xukuumaddu u nugushahay bulshadeeda, waxkasta oo dhib u keenayaana aanay raali ka ahayn.

guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada dalka in aanay xaaladda kasoo badbadin, isla mar ahaantaana aanay ka faa’ideysan sicirka sare u kacay, waxaana uu sheegay in lala xisaabtami doono ganacsatada qiime aan daruuri ahayn wax ku iibisa, ama badeecad aan kicin kicisa.

Leave a Reply