Anthony Martial oo Go’aan ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United

0
283

Xiddiga Anthony Martial ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Man United marka uu dhamaado heshiiskiisa amaahda ah ee uu ku joogo kooxda Sevilla dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kadib markii uu ku dhibaatooday in uu boos ka helo Man United qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan, xiddiga 26 jirka ah ayaa amaah uga tagay kooxda isaga oo ku biiray kooxda Sevilla.

Anthony Martial ayaa dhaliyay gool mid kalena caawiye ka noqday 3-dii kulan ee ugu horeeyay ee uu u ciyaaray Sevilla tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Sida ay haatan arimuhu yihiin, Anthony Martial ayaa ku soo laaban doona Man United xagaaga waxana laga yaabaa in uu ka qayb ahaado qorshaha tababaraha cusub.

Si kasta ha ahaatee Xiddiga reer France ayaan doonayn in uu ku soo laabto Man United maadama uu doonayo in uu qaab toos ah uga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply