Qorshaha Real ee Mbappe iyo Haaland iyo Xiddigaha ka Tagaya Xagaaga

0
458

Qorshaha Real Madrid ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga foodda inagu soo haya ayaa laga helay faahfaahin, waxaana Carlo Ancelotti iyo Florentino Perez ay isla meel dhigeen xiddigaha ay keenayaan iyo kuwa ay ka dirayaan Santiago Bernabeu.

Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa lambarka koowaad ka ah qorshaha Real Madrid ee xagaaga, waxaanay ka dhigan doonaan xiddiga ugu horreeya ee ay ka shaqayn doonaan sidii uu ku iman lahaa Santiago Bernabeu.

Waxa kale oo qorshahooda ku jira Erling Haaland oo Borussia Dortmund u ciyaara, laakiin haddii ay labadan ciyaartoyba waayaan, waxa kale oo ay haystaan dookhyo kale oo miiska u saaran oo ay u dhaqaaqi doonaan, waxaana ka mid ah saxeexyada xiddigo garbaha weerarka ka ciyaara iyo inay faarujiyaan kuwa aan waxqabadka badan lahayn ee culayska dhaqaale ku haya.

Ciyaartii guul-darrada 1-0 ahi kasoo gaadhay ee Salaasadii ay Paris Saint-Germain ku garaacday lugta hore ee wareegga 16ka Champions League, ayaa canaan badan loogu jeediyey ciyaartoyda Real Madrid, waxaana loosoo jeediyey maamulka inay kooxda firfircoonaysiiyaan oo ay dhiig cusub ku shubaan.

Carlo Ancelotti iyo xiddigaha kooxda laga dirayo

Gareth Bale, Marcelo iyo Isco ayaa ka tegi doona Real Madrid bisha June markaas oo ay ku egyihiin heshiisyadoodu. Waxa kale oo la filayaa inay ka tagaan Jesus Vallejo, Mariano Diaz iyo Dani Ceballos.

Los Blancos ayaa sidoo kale isku dayi doonta inay iibiso Eden Hazard, halka ay go’aan ka gaadhi doonto Marco Asensio oo ay kooxdu kala dooransiin doonto inuu heshiis cusub saxeexo iyo in la iibiyo. Waxa kusoo laaban doona Real Madrid difaaca midig ee Alvaro Odriozola oo amaah ugu maqan Fiorentina.

Real Madrid waxay heerka labaad kasoo dallacsiin doontaa Rafa Marin oo bandhig fiican ka samaynaya, waxaana sidoo kale soo noqonaya Fran Garcia oo amaah ugu maqan Rayo Vallecano.

Toni Kroos, Casemiro, Fede Valverde, Luka Modric iyo Eduardo Camavinga ayaa noqon doona xiddigaha khadka dhexe ee Real Madrid ay kusii dagaallami doonto, laakiin waxa aan la ogeyn inuu Carlo Ancelotti sii ahaan doono tababaraha Real Madrid iyo in kale.

Hanashada horyaalka LaLiga ayaa bartilmaameedka koowaad u ah Real Madrid, waxaana uu Ancelotti Jimcihii caddeeyey in Florentino Perez iyo Jose Angel Sanchez ay aad uga niyad-jabeen natiijadii iyo qaab ciyaareedka kulankii PSG.

Leave a Reply