Qiimaha weedha Wanaagsan !

0
502

Gabadh ayaa maalin soo martay miskiin da’ ah oo dawarsanayay , way is taagtay si ay shandada lacag uga soo saarto oo ay siiso. Markii ay gacanta gelisay ayay ka weyday waxayna xuuusatay inay gurigii kaga timi lacagtii ugu jirtay. Maadama uu sugayay wax loo dhiibo, way ka cudur daaratay waxayna ku tidhi:

“Adeer raali iga noqo waxaan ku soo ilaabay lacagtii jeebadayda, laakiin markaan noqdo ee aan soo qaato waan kuu siinaya haddii Allah (sw) ka dhigo”.

Odyga dawarsanayay ayaa u jawaaabay gabadha waxaana uu ku yidhi  “ aadbaad u mahadsan tahay Inantaydiiyey”.. Inanta ayaa aad u yaabtay sababta isagoo farxsan uu kelmadahan u yidhi iyadoo aanay aanay waxba siin”. waxayna tidhi dee waxba kuma siin”. Laakiin Odayga ayaa ku jawaabay  mar kale: “Markii aad cudur daarka isiisay waxaaad igu tidhi Adeer “, kelmadan kama maqal dadka waxayna aniga igu reebtay xusuus dheer, waana kelmadda ugu qaalisan dhinacayga waayo wayba ka xaragonayaan inay sidaa igu yidhaahdaan. “ Kelmadda wanaagsani waa sadaqo.

Leave a Reply