Adkaysiga Caqabadaha iyo Jidka Guusha!

0
463

Noloshu waxay qiimi ku leedahay markaad u dhabar adaygto dhibaatooyinka ku soo waajaha , hadaad noqoto qof niyad jab dhow oo guuldarada aan liqi karin ma gaadhaysid guusha.

Inta aad ku jirto jidka ku gaadhsiinaya yoolkaaga waxa ka hor imanaya caqabado kala duwan oo ah kuwo adag iyo kuwo fududba.  Adkaysiga jidkaasi ayaa ah dariiqa guusha, waa in aanad niyad jabin, murugoon, calaacalin oo aanad sii jiifin halkii aad ku dhacday laakiin waa inaad kacdo oo weliba isku daydo inaad sidii hore ka dheerasyo.

Fashilka iyo guuldaradu  marka uu kugu dhaco maaha dhimisho laakiin waa dhiirgelinta inaad sii wado dadaalka oo marka aad gaadho yoolka aad ilaaliso adigoo og qiimaha uu kugu joogay.

Leave a Reply