“Waanu wadaynaa dagaalka ilaa oo Somaliland la aqoonsado”Gavin Williamson

0
355

Hargeysa (Dawan) – Xildhibaan Gavin Willianson, oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay xaqiiq aan la dafirikarin, isla markaana uu riixayo aqoonsiga Somaliland ilaa oo caalamku aqbalo.

Williamson oo u olloleeya aqoonsiga Somaliland, ayaa muuqbaahiyaha CBA u sheegay in uu sii wadayo dadaalada isaga iyo xildhibaano kale ay ku doonayaan in Somaliland la aqoonsado.

Waxaanu yidhi.”Waanu wadi doona soo jeedinta, waanu riixi doona, waanu u doodi doona ilaa oo aanu guul ka gaadhno, tani waa go’aan, doonis iyo rumaysnaan naga dhex ololaysa, oo aanu rumayn karno”

Waxa uu sheegay in markii uu Somaliland yimid uu ogaaday dareenka shacabka ee aqoonsi caalami ah, isla markaana uu ka shaqayn doono sidii Somaliland aqoonsi u heli lahayd.

Waxaanu yidhi.”Markaad Somaliland timaado waxad la kulmaysa soo dhawaynta, doonista iyo go’aanka shacbiga Somaliland, waxaanad si dhaba u ogaanaysa in ay tani tahay arrin u baahan in laga shaqeeyo, dagaalka waanu wadaynaa, maalin maalmaha kamid ahna waanu rumaynaynaa”

Waxa uu Somaliland ku tilmaamay xaqiiq, aan khayaali ahayn, iyo in loo baahan yahay in adduunku garwaaqsado “Somaliland ta maantu maaha khiyaali iyo riyo, waa xaqiiq jirta, wakhti uun baa inaga xiga xilligii uu adduunku xaqiiqdan xidhiidh la yeelan lahaa”.

Williamson iyo wafti xilhibaano ah oo ka socday Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa safar ku jooga Somaliland, xildhibaannadan ayaa gadhwadeen ka ah dadaalo lagu doonayo in dowlada Ingiriiska iyo caalamku aqoonsi siiyo Somaliland.

Leave a Reply