Madaxweynaha oo Kulan Sagootin ah Madaxtooyada ugu Sameeyey  Weftiga Baarlamaanka Ingiriiska

0
297

Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan casho-sharaf iyo sagootin ah qasriga Madaxtooyadda ugu sameeyey caawa weftiga ka socda Baarlamaanka Ingiriiska ee uu hoggaamiyo xildhibaan Given Williamson oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa dalka.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka baxay Madaxtooyada waxa sidoo kale kulanka casho-sharafta ah Madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiyeyaasha labada gole Baarlamaan – Guurtida iyo Wakiillada – Md Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md Jamaal Caydiid Ibraahim, Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdikariin Axmed Mooge iyo qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Leave a Reply