Xukuumadda oo Bilawday Gurmadka Nafaqaynta iyo Dawaynta Shan Milyan oo Neef

0
290

 

Hargeysa-(Dawan):-Xukuumadda Somaliland,ayaa bilawday gurmadka iyo nafaqaynta shan milyan oo neef si xoolaha looga samata bixiyo xaaladda adage e abaareed ee soo waajahday xilligan roob la,aanta ah ee ay xooluhu jilicsan yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane. Siciid Sulub Maxamed ayaa si rasmi ah u daah-furay olole daawayn iyo  naaxin xoolaha ah oo laga fulin doono guud ahaan gobollada dalka.

Munaasibad lagu qabtay xarunta Wasaarada oo ay ka soo qeybgaleen Masuuliyiinta Wasaarada, masuuliyiin ka socday hay’adda FAO, isu-duweyaasha Gobolada dalka iyo dhakhaatiirta fulin doona hawlgalka daaweynta iyo nafaqeynta xoolaha ah oo  Agaasimaha Guud ee Xanaannada Xoolaha Dr. Ahmed Cali Maax ka hadlay ayuu sheegay in daawaynta Xoolaha iyo daryeelkoodu tahay waajib Wasaaradu u xilsaaran tahay, isla markaana muhiimada hawlgalku tahay wax-ka-qabashada saamayntii abaarahu ku yeesheen xoolaheena, oo badi noqday kuwo u baahan daryeel.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Marwo Yurub Abiib Cabdi  oo kulanka ka  hadashay ayaa ugu horreyn uga mahad celisay hay’adda FAO, oo ka taageerta caafimaadka xoolaha, iyadoo raacisay in xoolahu xanuuno ku dhacaan sida dadka, abaaraha jiraana sii kordhinayaan.

Waxay raacisay in shaqaalaha ay wasaaraddu u dirtay kooxaha caafimaadka tahay inay soo daaweeyaan dhammaan xoolaha buka, kuwa nafaqo-darradu haysana la siiyo dawooyin dheeri ah.

Mas’uul ka socday hay’adda FAO oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in wax ka qabashada abaaraha ay muhiim tahay in la daryeelo xoolaha ay saameynta ku yeesheen iyo sidoo kale nafaqeynta xoolaha ku daciifay.

Waxuu kaloo sheegay in Hay’adda FAO ay si dhow ula shaqeyso Wasaaradda Xanaannada Xoolaha, isla markaana ay sii wadi doonto mashruuca gurmadka abaaraha.

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Mudane. Siciid Sulub Maxamed, oo daah-furay ololaha ka jawaabista baahiyaadka xoolaha ayaa sheegay in illaa shan milyan oo neef ay ka faa’iidaysan doonaan ololaha daaweynta iyo nafaqeynta, isla markaana 320 dhakhaatiir  caafimaadka xoolaha ah fulintiisa ka qeybqaadan doonaan.

Wasiir Siciid ayaa iintaa raaciyey in hawl-galkaas si weyn looga fulin doono guud ahaan dalka, tuulo illaa magaalo, isla markaana si weyn  diirada loogu saari doono goobaha biyaha ee ay dadku ku soo wada hayaameen.

Wasaarada ayaa ugu baaqday bulshada xoolo-dhaqatada ah inay ka faa’iidaystaan ​​kooxaha caafimaadka xoolaha oo albaabadooda soo garaaci doona si ay xoolahooda u daweeyaan

Leave a Reply