Wasiirka Dastuurka Somaliland oo kulan la yeeshay Weftiga uu Hoggaaminayo Xildhibaan Gavin Williamson

0
407

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa qaabilay weftiga uu hoggaaminayo xildhibaan Gavin Williamson, oo maalmahanba booqasho ku joogay Somaliland.

Waxaanu wasiirku xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska iyo weftigiisa u soo bandhigay horumarka dhinaca shuruucda ay ka samaysay Somaliland soddonkii sano ee u danbeeyay.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxaa kulankaaai ku wehelinayay guddoomiyaha guddida dib u habaynta shuruucda Somaliland, la taliyeyaasha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradaasi.

Iyadoo  weftigaasi ka socday baarlamaanka dalka UK halkaa loogu soo bandhigay nuqulo ka mid ah xeerarkii Somaliland ay samaysatay wixii ka horreeyay sanadkii 1960-kii.

“Dhinaca sharciga marka laga eego, iyo addilooyinkiisa, in ay ku qanceen waxyaabo dhinaca shuruucda ah oo qadiyadda Somaliland lagu xaqiijin karo, oo aanu u soo bandhignay” ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Geesta kale weftiga uu hoggaaminayo Gavin Williamson, oo maalmahanba booqasho ku jooga Somaliland ayaa safaro ku tegay gobolka Saaxil. Halka ay sidoo kalena soo kormeereen qaybo ka mid ah suuqyadda ganacsiga ee caasimadda Hargaysa.

Xildhibaan Gavin Williamson, oo ka tirsan baarlamaanka dalka boqortooyadda Ingiriiska ayaa ah mudane u doodad qadiyadda aqoonsiga jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu dhawaan baarlamaanka dalka Ingiriiska hor geeyay dood la xidhiidha sidii ay dawladda UK u aqoonsan lahayd Somaliland.

Leave a Reply