Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland oo Hargeysa lagu Qabtay

0
614

Hargeysa (Dawan):-Munaasibad  ballaahdan oo lagu Xusayay Xuska Sannad guuradda  40aad ee ka soo wwareegtay maalintii dhallinyarada Ufo isla markaana ah maalin  loo asteeyay loona aqoonsaday maalinta dhallinyarada Somaliland,ayaa shalay si wayn looga xusay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Xuska maalinta dhalinyarada Somaliland ayay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye Toorno iyo
Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Somaliland SONYO  Cabdicasiis Maxamed Jaamac.

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici  oo hadal ka jeediyay munaasibadda  xusnka maalinta dhallinyarada Somaliland ayaa  sheegay waajibka ka saaran Xukuumadda wax   ka qabashada baahiyaha Dhalinyarada.Waxaanu yidhi”Waxa aad uga  baahantihiin in Qaranka aad ka heshaan Nabedgalyo Waxbarasho Caafimaad meelo lagu Ciyaaro qaranka ayaad waajib ugu leedihiin,idinkana waxa waajib idinku ah  in aad noqotaan Waddaniyiniin dalkooda jecel wixii xuna iska reeba wixii wanaagsana is fara Social Media xaga wanaagsan u adeegsada

Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa  iftiimiyay waxyaabaha looga  baahanyahay Dhalinyarada iyo  in ay ilaaliyaan Nabedgalyada.Waxaanu yidhi”Waxa laga rabaa Dhallinyarada inay ilaaliyaan Xorriyadda iyo Nabedgelyada aynu ku jirno,waajibka idin horyaallaa waa kaas waajibka idin horyaalaa Qabyaalada maaha,”.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi oo hadal ka jeediyay munaasibadda ayaa  usoo jeediyay Dhallinyarada in ay ka fogaadaan
Tahriibta Qabyaalada Mukhaadaraadka.Waxaanu yidhi”Waxa aan u mahadnaqayaa Maalinta Dhalinyarada Somaliland Ururkii UFO oo bilaabay 1982 kii,waxa  aanu u haynaa Dhallinyarada  Barnaamijyo badan,waxaanan usoo jeedinayaa Dhallinyarada in ay ka feejignaadaan Tahriibta Qabyaalada Mukhaadaraadka iyo Social Media oo loo isticmaalo xaga dhaqan xumaanta iyo aflagaadada,”.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa  sheegay in halgankii Maalinta dhagaxtuurka uu ka bilaabmay Magaalada Hargeysa.”Halgankii ka bilaabmay Magaalada Hargeysa ee Maalinta dhagaxtuurka ee 20  February,waxa hoggaaminayay aqoonyahanadii la xidhay ee ururkii UFO.taariikhda Somaliland meel kasta oo ay ka dhacdo waa la wada leeyahay,waxaan leeyahay Xisbiyada mucaaridka Iyo Ururadii dhawaan lagu dhawaaqay maalmaha Qaranka ha ka soo qayb galaan,”.ayuu yidhi Saleebaan Cali Koore.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa  sheegay  in Dhallinyarada Somaliland ay kala garanayaa wanaaga iyo xumaanta.Waxaanu yidhi”Halganka dhallinyarada waxa uu ina  tusayaa in dulmi uu yahay wax xun,waxa kale oo uu ina tusayaa in  dadku ay kala garanayaa wanaaga iyo xumaanta,marka dhib ay jirto ay dareemayaan oo ay ka jawaabayaan,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Somaliland SONYO  Cabdicasiis Maxamed Jaamac oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa  sheegay in xorriyadda ay haystaan Dhallinyarada Somaliland in aanay dalka ka jirin  afafrtan sano ka hor.waxaanu  tilmaamay in xorriyad darro ay ku noolaayeen dhalinyaradu.

 

 

 

Leave a Reply