Golaha Guurtida oo Meelmariyay Maanta Darajo Dalacsiinta Degmooyinka Balligubadle, Caynaba iyo Taleex

0
460

Hargeysa (Dawan) – Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa meelmariyay shalay darajo dalacsiinta degmooyinka Balligubadle, Caynaba iyo Taleex, kuwaasoo loo dalacsiiyay derajada B.

Fadhigii maanta Ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golahaasi Md-Saleebaan Maxamuud Aadan Ayaa muadanayaasha golahaasi waxay Go-aan Gole ku ansixiyeen Darajo Dalacsiinta Degmooyinka Balli-gubadle, Caynaba iyo Taleex ,ka dib markii cod u qaadeen Go-aankaasi darajo dalacsiinta degmooyinkaasi sidii Golaha wakiilada Somaliland ku soo meelmariyeen waxaa ogolaaday ogolaaday 41 mudane ,waxaa diiday hal mudane ,waxaa ka aamusay 4 mudane gudoomiyuhuna ma codeyn.

Dhinaca kalena, Mudanayaasha Golahaasi Guurtida Somaliland waxay maanta gudo galeen fasaxoodii caadiga aha, iyagoo dib iskugu soo noqon doona Bisha Ramadaan kaddib.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa mudanayaasha u sheegay in xeerka illaalinta xuquuqda carruurta la meelmarin doono kalfadhigooda dambe, markuu u furmo,iyadoo gudoomiyuhu hadal duco ah ku soo xidhay fadhigaasi golahaasi oo ku saabsanaa In Eebbe xaalada abaareed wadanka ka soo jabiyo.

Leave a Reply