Hargeysa (Dawa) – Guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Mareeyaha kaydka shidaalka ee Somaliland Axmed Ibraahin Cabdi.
Mudaneyaasha ayaa waxa ay wax ka waydiiyeen qiimaha shidaalka ee qaaliga noqday, isagoo maareeyuhu uga jawaabay mudaneyaasha su’aalihii laga waydiiyay kor u kaca shidaalka ee dalka.
Waxaana uu sheegay in caalamka oo dhan uu shidaalku kor uga kacay ee aanu ahayn wax u gaar ah dalka, waxa kale oo uu sheegay Maareeye Axmed Ibraahin in dalka uu yaallo shidaal ku filan.
Gabagabdii mudaneyaasha ayaa uga mahad celiyay maareeyaha kulanka uu la qaatay gudiga ilaalinta iyo daba galka hantida qaranka ee golaha wakiilada.
Waxa kale oo uu intaas raaciyay maareeyuhu in aanay jirin cid gaar ah oo kooto loogu xidhay keenista shidaalka dalka.