Masuuliyiinta gobolka Togdheer oo kormeeray ceelasha biyaha.

0
277

Burco (Dawan) – Maamulka gobolka Togdheer iyo ka Degmada Burco ayaa kormeer shaqo ku tagay ceelasha biyaha looga dhaamiyo Gobolada Bariga Somaliland ee ku yaalla gobolkaasi.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in ceelasha biyaha laga dhaamiyaa in ay dhan yihiin 28 ceel oo afarka mid ah wakaalada biyuhu ay leedahay, kuwaasoo maalintiiba ay ka baxaan 900 oo booyadadood oo u dhaamiya Gobolada Bariga Somaliland.

Waftigan kormeerka ku tagay ceelasha biyaha ee magaalada burco ayaa baaq dheer u diray bulshada Somaliland gaar ahaan dadka reer Togdheer inay door weyn ka qaataan gurmadka loo gurmanayo dadka abaaruhu ay saameeyeen.

Xubnaha waftiga ayaa ka waramay in xaaladda dadka iyo duunyada ee goboladaasi ay meel khatar ah marayso, oo abaartu ay caafimaadkii bulshada xitaa ay saamayn ku yeelatay, taasoo loo baahan yahay in gacmaha la isku qabsado sidii loogu gurman lahaa dadkaasi jilicsan ee ay isu raaceen haraadka, abaarta iyo xanuunadu

Leave a Reply