Ardayda Dugsiga Alm oo Booqasho ku Aqoon Korodhsi ku Tagey Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland

0
338

Hargeysa (Dawan) Maamulka iyo macalimiinta dugsiga Elm oo ku yaala xaafada New Hargeysa, ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta booqasho iyo aqoon korodhsi u keenay ardayda wax ka barata dugsigaasi aqoon korodhsi xarunta golaha wakiillada Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha Wakiillada Somaliland mudane Siciid Mire Faarax Giirre, iyo qaar ka mida mudanayaasha golahaasi ayaa xarunta golaha wakiillada ku qaabilay arday ka socotay dugsiga Elm.

Ardaydan ayuu guddoomiye ku-xigeenka kowaad waxa kale oo uu geeyay goobta lagu kaydiyo xeerarka golahaasi ka soo baxa, xeerarkii tusay warbixinahana ka sii yay waxa ka mid ahaa xeerka carruurta, iyada oo halkaasi looga jeediyay khudbado kala duwan oo ku saabsan shaqooyinka ay bulshada u hayaan labada aqal ee golaha wakiillada iyo guurtida oo la isku yidhaahdo xarunta baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka iyo xildhibaanada ayaa ardayda u jeediyay hadalo nuxurkoodu ku biya shubanayay xeerarka mihiimka ah ee ay golahaasi curiyeen iyo kuwa ay ansixiyeen, iyaga oo tallo ahaan ardayda faraqa ugu guntay in  ay shuruucda bartaan, isla markaana ay akhriyaan xeerarka arrimaha bulshada sida kii carruurta ee ay dhawaan ka gole ahaan meel mariyeen.

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiillada Somaliland, mudane Siciid Mire Faarax Giire, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay ka gole ahaan in dugsigani yahay kii ugu horreeyay ee booqasho ku yimaada, ardaydiisuna aqoon iyo khibrad ay u soo doontaan waxaanu yidhi.“Waxa Sharaf noo ah in ardayda dugsiga Young Muslim ay nagu soo booqdaan xarunta  golaha wakiillada Somaliland, ardaydaasi oo ay hoggaaminayaan macalimiintoodu, ujeedada ay u yimaadeena ay tahay in ay ogaadaan in waxbarashada qayb mihiim ah ay ka tahay waddaniyadu, isla markaana ay fikrad ka helaan waaxyaha dawladda ee is dheelitiraya, ayay macalimiintu u keenen ardayda.

Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay marka hore, in xarunta akhriska ee golaha ay soo booqdaan ardaydani, arkaan buugta taala aqoonta iyo taariikhda waddanku leeyahay wax ka bartaan, aad iyo aad ayaan arintaasi ugu boggaadinaya ardayda iskuulka, ee arintaasi gartay, waana iskuulkii koobaad ee na soo booqda, waxa Sharaf kale in ubadkayagu ay wax ka bartaan ahna dugsiyada ugu fiican xagga aqoonta, waxaan ku boorinaya in ardayda la baro waaxyaha dawladda ee kala duwan iyo waddaniyada”

Xildhibaan Xasan Ogaal, ayaa ardayda ku baraarujiyay faa’idada akhrisku leeyahay, kuna booriyay sidii ay Qur’aanka Kariimka ah u baran lahaayeen waxaanu yidhi.“Waxaad ogaata qof waliba waxa uu akhriyo ayuunbu qori karayaa, haddii aad akhriska baddiso fahankaaguna markaasi ayuu imanaya.

Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad wax akhrisataan, inta maskaxdiinu wax qabanayso in aad dadaashaan, isla markaana naftaada tartan la gasho, haddii aanad naftaada tartan la galin oo aanad waxba akhrisan meela u socon maysid, wakhtiyada aad furaaqada haysataana barta Qur’aanka Kariimka ah, salaadahana uu joogto ka dhigo wax waliba waa ay u hagaagayaan”

Xildhibaan Mubaarik Muuse Ismaaciil ayaa ardayda u iftiimiyay shaqada ay golayaasha kala duwan ee Qaranku hayaan waxaanu yidhi.“Baarlamaan haddii aad maqashaan waa labada gole oo la isku daray, golaha guurtida iyo wakiillada, wada shaqeyn ayaa ka dhaxaysa dawladda, oo ah waaxdii fulinta, ahna golaha wasiiradda iyo madaxweynaha, iyo waaxda garsoorka oo ah maxkamaddihii, mustaqbalka marka aad waa weynaataan waxa laga yaaba in mustaqbalka aad garyaqaano noqotaan, in aad siyaasiyiin noqon kartaan, markaa waxa loo baahan yahay, in aad fahantaan nidaamka waddankeenu u shaqeeyo, si aad waddanka wax ugu soo kordhisaan akhriska badiya”

Xildhibaan Barkhad Maxamed Hure, ayaa ardayda iyo macalimiinta dugsiga Alam u sheegay in ay taariikhda baal dahaba ka geli doonto booqashada ay ku yimaadeen xarunta aqalka golaha wakiillada waxaanu yidhi. “Sidii markii hore la sheegay waxa jira xeerarkii carruurta oo dhawaan ka baxay golaha haddii ILLAAHEY yidhaahdo golayaasha kalena ku sii socda xeerkaasina waad akhrisan doontaan, kulanka mid taariikhiya ayuu idiin yahay, marka halkan oo kale la soo gaasho taariikhdaada ayuu galay, waxa la rabba in qofkastow wixii aad maanta aragtay aad maskaxdaada ku kaydsato, kuna gasho diwaankaaga taariikhda, waxaanu idiin rajjeynayna in aad noqotaan kuwa gaadha halka u sarreysa noloshooda, bari dhakhaatiir ayaad noqon doontaan, macalimiin ayaad noqon doontaan, qaarkiin siyaasiyiin ayaad noqon doontaan, bulshada meel mihiim ah ayaad ka soo geli doontaan, aad iyo aad ayaanu idiin soo dhaweynaynaa”

“Anigu waxaan ku hadli doona afka macalimiinta iyo maamulka Elm School, gaar ahaan waaxda New Hargeysa, oo aanu maanta boqasho cilmi korodhsi ah ku nimid xarunta golaha wakiillada Somaliland, waxa Sharaf noo ah in aanu noqonay dugsigii koobaad ee ubadkoodu yimaadaan soona booqdan xarunta aqalka baarlamaanka, gaar ahaan golaha wakiillada Somaliland”Ayuu yidhi mid ka mida macalimiinta dugsiga Elm.

Ugu dambayn, maamulka iyo macaliintii ardaydaas horkacaysay ayaa guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha wakiillada Somaliland uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay xarunta golaha wakiillada Somaliland iyo warbixinaha uu ka siiyay sida golahaas uu u shaqeeyo, taas oo ay ku tilmaameen talaabo ardaydaas u ah dhiiri-gelin iyo in ay wax ka ogaadaan sida ay u shaqeeyaan golahaasi.

Dugsigani Elm, ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay ee booqasho aqoon korodhsi ku taga xarunta golaha wakiillada Somaliland.

Leave a Reply