Wasiir Ku-xigeenka   Arrimaha Gudaha oo furay Shir lagaga Hadlayo Mashruuca JPLG.

0
253

Hargeysa (Dawan) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa furay shir lagaga hadlayo Mashruuca JPLG ee dawladaha hoose ee dalka.

Kulankan ayaa ku saabsanaa qiimaynta degmooyinka uu ka socdo mashruuca horumarinta dawladaha hoose ee dalka, waxa kale oo kulankaas lagu eegi doonaa mashaariicda dhanka JPLG ee laga fulin doono qaar ka mida degmooyinka mashruucaas ku jira ee sannadka 2022.

Qaar ka mida masuuliyiintii iyo maayaradii kulankaas ka qayb-galay ayaa ka warbixiyay sida ay mashrucuaas uga faa’iidaystyeen, waxa kale oo halkaas ku soo bandhigeen arrimaha u baahan in sannadkan 2022 ee laga laga fulin doono mashruucaas JPLG.

Ugu dambayn wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed ayaa sheegay in mashruucaasi yahay mid ay ka faa’iisaysteen degmooyinka uu mashruucaasi ka socdo, waxaanuu wasiir ku-xigeenku intaas ku daray in uu dhawaan bilaabi doono mashaariic dhanka horumarinta ah oo sannadkan 2022 ay ka faa’iidaysan doonaan degmooyin kala duwan, waxaanuu xubnaha kulankaasi u furmay uu u soo jeediyay inay ku dadaalaan sidii kulankaas uu uga soo bixi lahaa qorshe lagu hawl-galo sannadkan 2022, isla markaana dib u eegis lagu sameeyo wixii mashaariic qabsoomay sannadki tagay ee 2021.

Leave a Reply