Caalamka Werwerka Iyo Walaaca Badan!

0
331

Werwerka iyo niyad jabku waa xalaad nafsaani oo u baahan in qofka aad loola socdo loona ilaaliyo. Sida xaqiiqda ahna dalka kasta way jiraan dad qani ah, kuwo sabool ah, kuwo farxad ku jira iyo kuwo niyad jabsan oo dareemaya werwer joogto ah.  Laakiin mar kasta dunidu isku mid aha waxaana jira dalal aad ugu horeeya niyada jabka oo aad uga saraysa qiyaasta caadiga ah ee dalalka kale. Waxaana arimhaasi qayb weyn ka qaata diinta, dhaqaalaha iyo hab nololeedka bulshada.

Xarunta  Wadanka Maraykanka ee xakamaynta iyo ka hortagga cudurrada, waaxda tirkoobka dadka ayaa cadaysay in dalka Maraykanka 9.6% ,  uu ku hayo xanuunka werwerka iyo niyad jabku.

Inkasta oo Maraykanku si tartiib ah uga soo kabtay mushkuladii dhaqaale ee sanadkii 2008, haddana  koritaanka dhaqaale weli waxa jira isbedelo aan wanaagsanayn iyo weliba shaqo la’aanta oo sarysa.

Muwaadiniin badan ayaa ku  gacan saydhay shaqooyinka ay heleen iyagoo sheegay in aanay daboolayn baahida noloshooda. Waxayna si cad u muujiyeen inay ku sii jiri doonaan xaladda cabsida leh. Maraykanku waa dalka dunida ugu horeeya ee dhinaca werwerka iyo niyada jabka bulshadiisa ay haysato.

Dalka Ukrain ayaa isna ah dalka labaad ee dunida dadkiisa werwerka iyo niyad jabku hayo iyado 9.1% ay dadkiisu ku jiraan xaaldaasi.  Mushkilada dalkan haysta ayaa ka dhalatay Ruushka iyo reer galbeedka oo isku  haysta dalkaasi. Waxa kale culimada cilmi nafisgu sheegeen in dhibtaada iyo werwerka joogtada ay u weheliso mushkiladii qaraxii Tarshibol ee sanadkii 1986 ee xaruntii Qubula duriyaha ee qarxaday taasi oo saamayn iyana ku yeelatay nolosha bulshada. Waxayna qireen inay tahay sababta koowaad ee dadka Ukrain niyad xumaanta ku abuurtay.

Leave a Reply