Maanta Iyo Fadliga Sadaqadda!

0
338

Wax bixinta iyo sadaqadu waxa ay qofka ka ilaalisaa belaayada iyo dhibaatooyin. “ Sadaqadu waxay hor joogsataa 70 dhinac oo qofka xumaan kaga imanayso”
Caash’ish (RC) Umul mu’miniin , oo sooman ayuu miskiin cunto weydiistay, waxaan u yaalay wax yar oo kimis ah.  Inantii la joogtay ayay ku tidhi sii miskiinka Kimistii inoo taalay. Inantii ayaa ugu jawaabtay  Caa’sha wax kale oo aad ku afurtaa kuuma yaalaan.
Caa’isha (RC) ayaa ku tidhi waa rune iska sii miskiinka. Arinkii oo sidaasi ah aya markii ay casarkii gaadhay Neef adhi oo hadyad ah loo keenay.  Markaasi ayay Caa’sha (rc) ku inantii tidhi cun kan ayaa ka wanaagasan waxaan bixinay”.

Qofka wax bixinaya waa inuu lahaada kalsooni fog oo uu ku qabo Allah (sw) iyo niyad saraysa oo ka madhan istus iyo inuu raadinayo amaan.

Sheekh Abuu C/laahi oo ah caalimka qoray kitaabka
qiinaha weyn ee axaadiista ah ee lagu magacaabo Al-mustadrik” ayaa wejigiisa nabaro waaweyni, ka soo bexeen sanado badan ayuu qabay xanuunkan. Muslimiin badan ayaa u ducaysay, laakiin kama bogsan. Muddo danbe ayuu gurigiisa hortiisa uga qoday Muslimuunta berkad biyaha lagu shubo oo ay ka cabaan. Todobaad intii aanay ka soo wareegiin ayuu wejigii u bogsaday oo uu noqday mid qurux badan. Wakhtigan waxa lagu jira abaar iyo biyo yaraan keentay in bulshada baahani ay aad u badan yihiin , waana wakhtiga laga faa’iidaysan karo oo camal fiican oo Allah (sw) raali ka yahay laga kasban karo.

 

 

Leave a Reply