Xiddigii Muslimka ahaa ee Sannadaha Koomada ku Jiray oo Magdhow laga Bixinayo

0
316

Kooxda kubadda cagta Ajax ayaa heshiis la gaadhay qoyska xiddiga Muslimka ah ee Abdelhak Nouri ee sannadaha badan koomada ku jiray, waxaanay isla af-garteen in hawlgab laga dhigo lambarkii uu xiddigani xidhan jiray ee No.34.

Abdelhak Nouri oo ay hadda da’diisu tahay 24 jir ayaa uu wadne xanuun kusoo booday bishii July ee sannadkii 2017 isaga oo ku jiray ciyaar saaxiibtinimo oo u dhaxaysay Ajax iyo Werder Bremen oo ka dhacday waddanka Austria.

Maskaxda ayuu dhaawac halis ahi kasoo gaadhay, waxaana uu koomo ku jiray muddo afar sannadood ah, ugu dambayntiina waxa uu noqday qof aanu caafimaadkiisu marnaba taam noqonayn.

Qoyska Abdelhak Nouri ayaa xaqiijiyey inuu koomada kasoo baxay March 2020, maalmo yar kaddibna Ajax ayaa qaadatay go’aan lala yaabay, waxaanay burburisay heshiiskii ay kula jirtay, iyada oo maanka ku haysay inay qoyska heshiis gaadhi doonaan.

Ajax ayaa hadda xaqiijisay, in ay heshiis gaadheen qoyska Abdelhak Nouri, isla markaana ay magdhow u bixinayso lacag gaadhaysa €7.85 milyan oo Euro, maadaama ay kooxdu samaysay dayacaad markii uu laacibkan kusoo booday wadne xanuunku, isla markaana aanay si habboon ugu gurmanin.

Kooxda ayaa qiratay in caafimaadka Nouri aanay sidii looga baahnaa ee gargaarka degdegga ahaa uga hawlgelin isla markii uu ku dhacay garoonka dhexdiisa, sidaa daraadeedna ay bixinayso €7.85 milyan oo Euro oo magdhow ah.

Waxa kale oo ay Ajax shaacisay inay bixinayso dhamaan kharashaadka caafimaadka  ee ku baxay amaba ku bixi doona Nouri, waana mid aan go’i doonin oo ay iyadu dhabarka u ridatay lacag kasta oo ku baxaysa inta noloshiisa ka hadhay.

Heshiiska ay labada dhinac gaadheen ayaa waxa sidoo kale ku jira qodob dhigaya in hawlgab laga dhigo No.34 oo uu xidhan jiray Nouri, kaas oo aan dib dambe loo xidhan doonin.

 

Leave a Reply