Shidaaku Wuu Buuxaa, Cidna Kooto Uguma Xidhna

0
248

Hargeysa (Dawan)- Mareeyaha kaydka shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Ibraahin Cabdi ayaa sheegay in Somaliland uu shidaal badani yaallo, isla markaana aanay jirin cid kooto loogu xidhay shidaaka dalka.

Guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee Golaha Wakiilada JSL ayaa kulan la yeeshay Mareeyaha kaydka shidaalka ee Somaliland Axmed Ibraahin Cabdi. Mudaneyaasha ayaa waxa ay wax ka waydiiyeen qiimaha shidaalka ee qaaliga noqday, isagoo maareeyuhu uga jawaabay mudaneyaasha su’aalihii laga waydiiyay kor u kaca shidaalka ee dalka.

Waxaana uu sheegay in caalamka oo dhan uu shidaalku kor uga kacay ee aanu ahayn wax u gaar ah dalka, waxa kale oo uu sheegay Maareeye Axmed Ibraahin in dalka uu yaallo shidaal ku filan.

“Shidaalku waddanka kama dhammaan naafto iyo baatrool dalka wuu buuxa , wuxuu ka qaaliyoobay suuqa adduunka , qiimaha lagu iibiyo shirkaddo caalamiya ayaa dunida jar ee annaga maaha” ayuu yidhi

Waxa kale oo uu intaas raaciyay maareeyuhu in aanay jirin cid gaar ah oo kooto loogu xidhay keenista shidaalka dalka.

Gabagabdii mudaneyaasha ayaa uga mahad celiyay maareeyaha kulanka uu la qaatay gudiga ilaalinta iyo daba galka hantida qaranka ee golaha wakiilada.

 

 

Leave a Reply