Wasiirka Cadaaladda Oo Daah-furay Shirka Istaraatijiyadda Socdaaladda Isku-dhafan

0
272

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa shalay magaaladda Hargaysa ka daah-furay qorshaha istaraatijiyadda seddexda sanadood ee Socdaaladda Isku-dhafan ee 2022-ka ilaa 2024-ka.

Shirkaasi oo ka furmay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay taliyaha Ciidanka laanta Socdaalka Somaliland, Guddoomiyaha haayadda Qoxoontiga iyo barakacaayasha qaranka, xubno ka socday wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, Agaasimaha waaxda Amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo galinta Arrimaha Bulshadda iyo qoyska, Agaasimaha Komishanka xuquuqul iinsaanka Qaranka, saraakiil ka socday Ciidanka ilaalaha Xeebaha Somliland iyo madax ka socotay haayaddaha GIZ, IOM, iyo UNHCR.

Qorshahani istaraatijiyadda Socdaaladda Isku-dhafan ayaa in muddo ah soo socday, kaasoo dhamaanba haayadaha dawladda ee uu khuseeyo ay ka soo qayb qaateen shaqadiisa.

Muhiimadda ugu weyn ee laga leeyahay qrshahani ayaa ah in lagu xakameeyo socdaaladda isku dhafan, iyadoona dalkan Somaliland uu ka mid yahay meelaha ugu badan ee ay soo maraan dadka socdaalaya.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, oo furitaanka shirkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in dadka socdaalka ah mararka qaarkood khasaare ay amni darradu ka mid tahay ay soo kordhin karaan.

Saleebaan Warsame Guuleed, waxa uu sheegay in socdaalka dadka ama tahriibku uu yahay wax heer caalami ah, isla markaana wadamadda caalamka intoodda badan uu ka jiro.

“Waxaan u mahad naqayaa haayadda arrimaha qoxoontiga iyo ciidanka laanta socdaalka, oo saldhig u ah la tacaalida socotooyinkaasi isku dhafan. Socotadaasi waxay mararka qaarkood soo kordhin kartaa khasaare iyo arrimo kale. Amni xumo keeni karaan.

Waxa kaloo ay socotadu soo kordhin kartaa in ay la socdaan dad badan oo farsamo-yaqaamiin ah. Socotadu na waa arrimo caalami ah, oo caalamkoo dhan ka jirta, ama ka dhacda” ayuu yidhi wasiirka Cadaaladu.

Geesta kale taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qorshahani uu in muddo ah soo socday, isla markaana aanu weli dhamaystirnayn oo ay jiraan waxyaabo ka dhiman.

“Maaha wax imika la bilaabayo qorshahani. Wax weli ka dhimanina way jiraan. Saddex nooc oo socdaalka isku dhafani uu ku yimaado ayaa jira” ayuu yidhi taliye Caalin.

 

 

 

Leave a Reply