Xildhibaano Ka Hadlay Ansixinta Dalacsiinta Darajada Sadex Degmo

0
305

Hargeysa (Dawan) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay ansixintii Golaha Guurtida ku meel mariyay ee dajada B u dalacsiiyeen Degmooyinka Caynaba Baligubadle iyo Taleex.

Xildhibaan Mustafe Axmed Khayreeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Xildhibaanada kala ah Cawil Dawiil Xirsi Ciise Jaamac iyo Siciid Huruuse oo ka wada tirsan Golaha Guurtida oo si wada jira Warbaahinta ula hadlay shalay ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay wax Somaliland usoo kordhay kor qaadista darajada Degmooyinka Caynaba Baligubadle iyo Taleex.

Xildhibaan Mustafe Axmed Khayreeye oo ugu horayn ka hadlay ayaa waxa uu ku amaanay Golaha Guurtida ansixinta darajo kor u qaadista Degmooyinka Caynaba Taleex iyo Baligubadle.Waxaana uu yidhi”Maanta shalay waxa Golaha Guurtida ansixiyeen saddeddii degmo ee Golaha Wakiilada darajadooda dalacay oo kala ahaa Degmooyinka Caynaba Taleex iyo Baligubadle,waxaana uga mahadnaqayaa Xildhibaanada Golaha Guurtida oo ah gole in badan dalka soo badbaadiyay in ay ansixiyeen mooshinkii wax ka badalka Golaha Wakiilada ku soo sameeyay darajada degmooyinkaas,waxaana aan rajaynayaa in Madaxweynuhu saxeexo,waana wax usoo kordhay Somaliland darajadaa kor loo soo qaaday degmooyinkaas.

Xildhibaan Cawil Dawiil ayaa waxa uu sheegay in uu sheegay in uga mahadnaqay Golaha Wakiilada ee usoo gudbiyay in Dajada B laga dhigo Degmooyinka

Baligubadle Caynabo iyo Taleex.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu u mahadnaqayaa Golaha Wakiilada oo dib noogu soo celiyay Xeerka Gobalada iyo Degmooyinka dalka,ka gole Guurti ahaana Maanta Shalay ayaanu ansixinay in darajadooda kor loo qaado Degmooyinka Baligubadle Caynabo iyo Taleex,waxa kale oo aan u mahadnaaayaa Mudanayaasha Golaha Guurtida ee ansixiyay in Degmooyinkan darajaooda laga dhigo B,”.

Sidoo kale Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac iyo Xildhibaan Siciid Huruuse oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa waxa ay sheegeen in nidaamka dawladnimada ay tahay in kor loo qaado darajooyinka Magaalooyinka kobcaya ee dalka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply