Xiddigaha Fursadaha ugu Badan ka Sameeyay Premier League Xilli Ciyaareedkan

0
573

Horyaalka premier League ayaa maraya meel xiiso leh maraya iyada oo ay kooxuhu u dagaalamayaan sidii ay meelo fiican ugu dhamaysan lahaayeen xilli ciyaareedka.

Waxa jira xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay in ay kooxohoodu guulo muhiim ah gaadhaan.

Xiddiga kooxda Man United ee  Bruno Fernandes ayaa ah xiddiga ilaa haatan xilli ciyaareedkan sameeyay fursadaha ugu badan horyaalka premier League.

Xiddiga reer Portugal ayaa sameeyay 73 fursadood oo gool laga dhaliyay ama laga dhalin karo laakiin aan laga dhalin isaga oo ah xiddiga ugu saamaynta badan.

Dhanka kale xiddiga difaaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa ku jira kaalinta 2-aad isaga oo sameeyay 64 fursad oo gool laga dhaliyay ama laga dhalin karo.

Waxa ku xiga xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo sameeyay 49 halka uu ku xigo xiddiga kooxda Southampton ee Ward-Prowse kaas oo sameeyay 45 isaga oo hal ka horeeya xiddiga Man City ee De Bruyne.

1- Bruno Fernandes             73

2-  Trent Alexander-Arnold 64

3- Salah                               49

4- Ward-Prowse                 46

5- Den Bruyne                     45

 

Leave a Reply