Ciidamada Ruushka oo weerar cir iyo dhul ah ku qaaday Dalka Ukraine

0
438

Hargeysa  (Dawan) – Ciidamada Ruushka ayaa weerar gantaalo loo adeegsaday ku garaacay magaalooyin badan oo ku yaala dalka Ukraine, kadib markii uu amar ku bixiyay madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iney ciidamadiisa howlgalo militari iney ka fuliyaan bariga wadanka Ukraine.

Saacado yar kadib khudbad uu Putin ka jeediyay Talafeshinka qaranka dalkiisa ayaa waxaa xigay mar qura in laga maqlay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv dhawaqa qaraxyada, waxaana sidoo kale rasaas badan ay ka dhacaysa meelo u dhow garoonka diyaaradaha ee caasimadda Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax, waxaana magaalada laga maqlayay dhawaqa digniinta ah ee weerarada.

“Putin waxa uu hadda bilaabay duulaan buuxa oo uu ku qaaday Ukraine, magaalooyinka nabdoon ee Ukraine waxa ku socda duqaymo”Ayuu bartiisa Twitter-ka ku qoray wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba.

Milateriga wadanka Ruushka ayaa sheegay in ay duqeeyeen saldhigyada ciidamada cirka ee Ukraine iyo goobaha kale ee militariga, islamarkaana aysan  bartilmaameedsan goobaha ay dadku ku badan yihiin, waxaana sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Ruushka ay militarigoodu isticmaaleen hub aan waxyeelo gaadhsiin dad shacab ah.

Madaxweyne dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka iyo xulafadeeda NATO inay iska indhatireen dalabaadka Ruushka ee looga hortagayo in Ukraine ay ku biirto NATO iyo damaanad qaadka amniga Ruushka.

Waxaanu yidhi madaxweyne Puntin.“Cid kasta oo isku dayda in ay na carqaladayso iska daa in ay khatar ku abuurto dalkeenna iyo dadkayaga, waa in ay ogaadaan in jawaabta Ruushku ay noqon doonto mid degdeg ah oo horseedi doonta cawaaqib aanan weligiin taariikhda ku arkina”

Weerarka Ruushka Maanta uu ku qaaday dalka Ukraine ayaa imaanaya iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay xiisada u dhaxeysa labada dal marba marka ka dambeeya ay ahayd mid cirka isku sii shareereysay, taasoo ugu dambeyn sababtay in Maanta uu bilaawdo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

May be an image of outdoors

May be an image of outdoors

May be an image of outdoors

May be an image of fire and outdoors

May be an image of 5 people, people standing and outdoors

May be an image of 6 people, people standing and outdoors

May be an image of 2 people, outdoors and tree

May be an image of sky and road

Leave a Reply