Madaxweynaha France oo Dejiyay Qorshe uu Mbappe kaga Hor Istaagayo ku Biirista Real Madrid

0
421

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa isku dayi doona inuu ku qanciyo Kylian Mbappe inuu sii joogo Paris Saint-Germain, sida laga soo xigtay El Mundo.

Inkasta oo uu Macron laftiisu uu taageere u yahay Marseille, haddana wuxuu isku dayi doonaa inuu Mbappe ku qanicyo in uu sii joogo dalka France sida uu sheegay saxafiga Nicolas Sarkozy.

Macron ayaa aaminsan yahay in haddii Mbappe uu ku sugnaado Paris ay faa’iido u leedahay dalka ka dib markii uu horay u amaanay muhiimada weeraryahanka uu u leeyahay Ligue 1 iyo kubada Faransiiska.

Mbappe ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda Real Madrid waxana uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisan caasimada France.

Xiddiga ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid waxana la fiayaa in ay Real Madrid noqon doonto kooxdiisa cusub xilli ciyaareedka soo socda.

Leave a Reply