Mid ka mid ah Xiddigaha Real oo Xilliga Qaboobaha Xirfaddiisa Hoos u Dhac ku Yimaado

0
294

Real Madrid ayaa wakhti aad muhiim ugu ah xilli ciyaareedkeeda ku jirta iyada oo hoggaanka u haysa horyaalka La Liga sidoo kalena hal lug iskugu hadhay wareega 16-ka ee Champions League.

Mid kamida xiddigaha kooxda muddooyinkan ugu dambeeyay aan wax muuqda ka qaban ayaa ah garabka ree Brazil ee Rodrygo Goes oo haatan warbixin xiiso leh laga qoray.

Rodrygo Goes maaha taageere wakhtiyada qabaw ah sida ay xogtu sheegayso tan iyo markii uu kusoo biiray Real Madrid, marka uu soo galo wakhtiga qaboobuhu qaab ciyaareedka da’yarka Brazilian-ka ah ayaa hoos u dhaca xilli ciyaareedkan ayuuna markale sidaas muujiyay.

Natiijo ahaan Rodrygo ayaa booskiisa u waayay Marco Asensio kaas oo u muuqda mid si fiican uga faa’idaysanaya fursadan, tusaale ahaan kulankii PSG ayuusan wax shaki ahi ku jirin inuu Asensio kasoo horrayn doono Rodrygo.

Xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21 ayuu markale dhibtooday wakhtigii qaboobaha isaga oo dhaawac gaadhay 23-kii December kasoo laabtay 1-dii March.

Hoos u dhacii xilliga qaboobaha ee ugu yaabka badnaa ayaa Rodrygo qabsaday xilli ciyaareedkiisii koowaad markaas oo uu qaab fiican ku bilawday oo uu gool ka dhaliyay Osasuna sidoo kalena saddexley ka dhaliyay Galatasaraay kulan Champions League ah.

Rodrygo ayaa kaddib qaabkaas fiican ee uu xilli ciyaareedkiisii koowaad ku bilawday galay hoos u dhac isaga oo shan kulan oo xidhiidh ah laga reebay safka kooxda kahor intii uusan soo laaban 8-dii March.

Rodrygo ayaa 11 gool kusoo dhaliyay 90 kulan oo uu usoo ciyaaray Real Madrid, kaliya hal gool ayuu dhaliyay inta u dhaxaysay 21-ka December ilaa 20-ka March oo ah wakhtiga qaboobaha.

 

 

Leave a Reply