Samafalka Waalidka iyo Waangiisa

0
1508

 

Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (Rc) wuxuu Nebiga (scw) Ka weriyay:” Nin baa Nebiga (SCW) u yimid oo ku yidhi: “Waxaan doonayaa  inaan balan kugula galo inaan haajiro jidka Ilaahayna ku dagaalamo, anigoo Allah ajar kaga doonaya”. Rasuulka Allah (scw) wuxuu weydiiyey: “Waalidkaa mid nooli ma jiraa ? Ninkii wuxuu yidhi: labadiiba way nool yihiin. Rasuulka Allah (scw)  wuxuu weydiiyey: “Allah (sw) ajar ma ka doonaysaa? Ninkii wuxuu yidhi: Haah, Rasuul Allow. Rasuulka Allah (scw) wuxuu ku yidhi: “Haddaba iyaga ku noqo oo si fiican ugu sheqee”.            (Bukhaari iyo Muslim).

Leave a Reply