Booliiska Maraykanka oo xidhay nin loo haysto dilka Imaam Maxamed Xasan Aadan

0
266

Hargeysa (Dawan) – Booliiska dalka Maraykanka ayaa xidhay nin lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu ka dambeeyay dilka Colombus loogu geystay AUN, Imaam Maxamed Xasan Aadan, oo ahaa Imaamka Soomaalida Colombus.

Sida ku cad dukumentiyo loo gudbiyay maxkamadda kiiskaan gacanta ku haysa, John W. Wooden Jr. ayaa loo haystaa inuu habeenkii ciidda Kirismaska dilay Imaam Maxamed Xasan Adam.

Sida ku cad dukumentiyada maxkamadda, waaran baadhitaan ayaa la geeyay guriga Wooden Jr.l, kadib markii booliisku gurigiisa ay ka heleen hubka loo maleynayo inuu yahay midkii lagu togtay marxuumka.

Ninkaan ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad federaali ah oo ku saabsan in uu yahay dambiile haysta qori.

Maxkamada ayaa sheegtay in lagu helay sharciga Hobbs 2010 laguna xukumay 204 bilood oo xabsi ah, waxa xabsiga laga sii daayay March 2021.

Leave a Reply