Wasiirka  xidhiidhka Goleyaasha oo kulan la Qaatay qaar ka mida dhalinyarada Degmooyinka Caasimadda.

0
321

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland oo weheliyo maayarka caasimada Hargeysa ayaa kulan la qaatay qaar ka mida dhalinyarada degmooyinka caasimarada oo casharo ku qaata xarunta barashada dastuurka Somaliland.

Maayarka magaalada Hargeysa ayaa bogaadiyay xaruntan wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurku ka hirgelisay caasimada Hargeysa, waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyay dhalinyarada xarunta wax ka barta oo kala kala yimi degmooyinka kala duwan ee caasimada Hargeysa. Maayar Cabdikariin Mooge wuxuu dhalinyarada ku waaniyay inay ku dadaalaan barashada casharada la xidhiidha dastuurka, kuwaas ku ogaan karaan waxa uu xaqa u siinaayo dastuurku muwaadiniinta iyo arrimaha uu ka reebaayo.

Maayarka magaalada Hargeysa ayaa bogaadiyay ardayda ku jirta xarunta barashada dastuurka Somaliland, taas oo ay horgeliysay wasaaradda dastuurku, waxaanuu wasiirku xusay in u jeedada xaruntan loo hir geliyay ay tahay in kor loo qaado fahanka dhalinyarada ee la xidhiidha barashada dastuurka dalkooda.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxameda Xaaji Aadan Cilmi ayaa maayarka ayaa sheegay in wasaaraddu xaruntan ugu talo gashay in bulshada lagu baro dastuurka, waxaanuu sheegay in ay soo kordhayso sida bulshadu ay u danaynayso barashada dastuurka, waxaanuu wasiirku intaa ku daray in wasaaraddu ku hawlan tahay sidii kor loogu sii qaadi lahaa dadaalada ku saabsan barashada dastuurka iyo wadaniyadda.

Leave a Reply