Hay’adda Bisha Cas ee Gobolka Sool oo Daahfurtey Mashruuca Gaadiidka Gurmadka Deg Deg ah.

0
767

Laascaanood  (Dawan) Hay’adda Bisha Cas laanteeda gobolka Sool ayaa daah furtey Mashruuca Gaadiidka gurmadka deg deg ah  kaasoo si bilaash ah loogu shaqaynayo bulshada gobolkaasi.

Mashruucan oo si deg deg ah loogu gaadhsiinayo goobaha Caafimaadka mid guud iyo mid gaarba bukaanada dhaawacyada, dadka la kulma shilalka iwm, ayay bulshadu wacaysaa lambar gaar ah oo loo sameeyay, kaasoo ah 936, iyadoo saacad walba uu shaqaynayo adeegga lambarkaasi.

Gudoomiyaha guud ee Hay’ada Bisha Cas , iyo guddoomiyaha gobolka Sool ee Bisha cas, gudoomiyaha gobolka Sool iyo maayar ku xigeenka degmada Laascaanood ayaa si wada jir ah xadhiga uga jaray mashruucan oo ay tilmaameen inuu yahay mid aad loogu baahnaa, isla mar ahaantaana wax weyn taraya bulshada gobolka iyo ka degmada Laascaanood.

Guddoomiyaha bisha cas ee gobolka Sool ayaa ugu baaqay bulshada inay ka faa’ideystaan adeegaasi ay u hirgeliyeen, isla mar ahaantaana ay adeegsadaan xilli walba.

Leave a Reply