“Ilaa sannadkii 1997-kii 12 Abaarood baa ina soo maray sidii hore xaalku wuu ka duwan yahay”…

0
502

Burco (Dawan): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ku baaqday in la joojiyo dhul-boobka faraha badan ee lagu jiro iyo deegaamaynta cusub dhulkana la ilaashado.

Waxaanay wasiirku sheegtay in Abaaraha faraha badan ee sida is-daba jooga ah dhulkeena uga dhaca ay qayb ka yihiin dhul-boobka iyo degsiimooyinka cusub, sidaas darteedna ay lagama maar maan tahay in dhulka la ilaaliyo.

Maadaama oo aynu nahay bulsho xoolo dhaqato ah oo nolol ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay nolosheenu si weyn ugu tiirsan tahay in dhulka loo kala qorsheeyo dhul-daaqsimeed, dhul beereed iyo degsiimo.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxa kaloo ay sheegtay in marka laga soo bilaabo ilaa sanadkii 1997-kii ilaa iyo wakhtigan hadda in dalkeena ay ka dhaceen in ka badan 11 Abaarood.

Iyadoo wixii hadda ka danbeeyana la saadaalinayo in Abaaraha iyo xaalufka deegaanku uu sii socdo, saamaynta taban ee ay keentay isbedelka cimiladda adduunka awgeed.

Waxaanay sheegtay wasiir Shukri, in loo baahan yahay qorshe si looga gaashaanto ama looga diyaar garoobo cabsida laga qabo in Abaaruhu sii kordhaan.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxay sidan ka sheegtay hadal ay ka jeedisay magaaladda Burco, iyadoo ka mid ah weftiga uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo safar ay ugu kuur gelayaan baaxadda Abaarta ka taagan goboladda barriga dalka.

“Ilaa sanadkii 1997-kii, ilaa imika 11 ama 12 Abaarood baa ina soo maray. Sidii hore xaalku wuu ka duwan yahay imika. Haddii mudadaa ilaa 12 Abaarood ay ina soo mareen, waxaynu imika sugaynaa, ILLAAHAY SWT ayaa inaga soo furane, cimiladii way is-bedeshay, mar haday isbedeshay na waxaynu sugaynaa in ay sii socoto Abaartu, oo aynu ka diyaar garowno” ayay tidhi wasiir Shukri.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxay tidhi “Mar haddii aynu xool dhaqato nahay, mar haddaanu soo aragnay 17 kun oo Geell ah, iyo 10 kun wax aan ka yarayn oo Adhi ah, oo meel ku wada xeraysan oo daaqaya, waa in aynu dhulka ilaashano, oo aynu iska dayno dhul-boobka faraha badan ee lagu jiro, iyo deegaamaynta cusub, in aynu iska dayno.

Dhulkeenana aan u dayno inta dhul-daaqsimeedka ah, inta beeraha ah, aynu u dayno. Haddii kale Abaarahan inagu soo noq-noqonaya u taag heli mayno. Waa in aynu ilaashano dhulka. Idinka ayaa masuuliyadii leh”.

Geesta kale wasiir Shukri Baandare, waxa kaloo ay tilmaantay inuu soo baxay xeerkii maamulka dhulka oo ay golaha wasiirrada Somaliland ansixiyeen, isla markaana la filayo inuu shaqeeyo xeerkaasi.

Xeerkaasi oo qorshuhu yahay in wax lagaga qabto laguna ilaaliyo dhibaatooyinka lagu hayo dhulka iyo deegaanka.

Wasiirku waxay ka digtay in haddii aan la joojin waxyeeladda lagu hayo deegaanka in ay Abaaruhu sii soconayaan, isla markaana uu jiro xidhiidh ka dhexeeya dhibaatooyinka ay dadkeenu ku hayaan dhulka iyo Abaaraha soo noq-noqday.

Waxaanay tidhi “Waxaa imika soo baxay xeerkii dhulka, oo ay golaha wasiirrada Somaliland ansixiyeen, waanu shaqaynayaa. Wasaarradaha ku xusan xeerkaasi waa ilaa 9 wasaarradood, waxaana inna hogaaminaysa wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guriyaynta”.

Leave a Reply