Somaliland oo laashay go’aan ay hore u Dul’dhigtay shirkadaha shidaalka

0
393

Hargeysa (Dawan)  – Madaxweynaha Somaliland  mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhawaaqay in uu laalay go’aan markii hore shirkadaha shidaalka ku amrayay in ay keenaan shidaal tayo leh, taasi oo keentay in maraakiib shidaal siday dib loo celiyo, kadibna uu qiimaha shidaalku sare  u koco.

Waxaanu yidhi.”Shidaalkii imika waxbaanu ka badalay sharcigii hore ee odhanayay halagu adkeeyo salfarka, waa in aynu helnaa kayd shidaal, ganacsatadana waxaanu ka codsanaynaa, in wixii ay shidaal hayaan keenaan”  .

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aan kooda hore uu u danaynayay baabuurta, oo ay doonayeen in la keeno shidaal tayo leh oo aan baabuurta dhibaataynayn, balse madaama oo adduunkii uu wajahayo xayiraado iyo dhaqaale xumo ay muhiim tahay in la helo kayd shidaal.

Waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray.”Markii hore waxaanu isku haynay baabuurta mid aan dilinkeena, balse haddii maanta dhibaato timid waanu soo daynayna, markabkii ugu horeeyayna wuu joogaa, Dahabshiil ayaa leh waananu soo daynaynaa, ganacsatadana waxan ka rabaa in ay shidaalka jabiyaan madama oo wax badan iyagana loo fudaydinayo dekeda”

Go’aankan lagu fasaxay shidaalka oo dhan ayaa ah mid lagu dhaqmi doono inta ay is badalayso xaalada adduunka iyo ta Somaliland ee abaaraha sida madaxweynuhu sheegay.

Leave a Reply