Wasiir ka hadlay Dhacdooyin uu kala kulmay Bas uu raacay, oo ay ka mid ahayd Dumar ku dhex dagaalamay

0
475

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Gaadiidka iyo Dhacdooyinka uu kala kulmay gaadiidka shacabka oo uu raacayay maalmihii ugu danbeeyay

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) ayaa dadweynaha ku dhaqan caasimada hargeysa la raacay gaadiidka basaska ee ay adeegsadaan Shacabka, halkaasi oo uu doonayay inuu ugu Kuurgalo Xaalada Sixir Bararka, Qiimaha lagu raaco Basaska iyo Nolosha Caadiga ah ee Bulshada.

Maalmihii ugu danbeeyay waxa uu soo maray meelo kala oo ka mid suuqyada caasimada, waxaana uu xaafadaha kala duwan ee magaalada u raacay basas balse saaka ayaa lagu dhex arkay baska u baxa Xaafada Jigjiga yar wakhtigaasi oo uu baskii uu saarnaa ay isku dhaceen gaadhi kale agagaarka beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo lagu ogaaday inuu yahay wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee Somaliland.

“Waxaan u kala baxay Xaafadaha Hargeysa, tanina waa tii Shanaad (jigjiga), ujeedkayguna waxa uu ahaa inaan soo eego xaalada shacabka Hargeysa iyo ta Gaadiidka Dadweynuhu raacaanba

Alxamdulilaah wax wanaagsan ayaan soo arkay, dad isjecel oo is ixtiraamaya.

Intii aan Hawshan ku jiray laba Shil ayaanu galnay oo gaadhigii aanu saarnayn ayay isku dhaceen gaadhi kale, mar kale laba dumar ah oo bas nala saarnaa ayaaba isdiley oo xalkoodii iyo maslaxadoodii aan galay si basku si nabad ah noola socdo”.Ayuu yidhi wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo aan Khadka Telefoonka kula xidhiidhay.

May be an image of 3 people and people sitting

May be an image of 4 people and people sitting

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 1 person, standing and outdoors

May be an image of 4 people and road

May be an image of 3 people

May be an image of 5 people and people sitting

 

Leave a Reply