Khatarta Afada Daadadka iyo Saameynta Taban ee ay bulshada ku Yeelatay

0
498

Hargeysa (Dawan) – Toga Maroodijeex oo ka soo bilaabma biyo-dhaca Carro Muuse Case iyo laagta Shariifka ee Koonfur galbeed, isla markaana labadooduba Toga weyn ee Maroodijeex kaga soo darsama degaanka Dhaboolaq, waxa sidoo kale ku soo darsama laago badan oo Waqooyi iyo Koonfurba ka yimaada.

Haddaba maanta waxa aanu booqanay anaga oo ah koox wariyayaal ah, masuuliyiinta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, khabiir dhinaca degaanka ah,  laagaha Malowle iyo Kalowley, iyada oo khatarta aanu ku soo aragnayay ay ka mid ahaayeen, gabiyadii oo daadkii xilligii Gu’ga biyihii roobka ee ka dhashay ay gooyeen, isla markaana ay dumiyeen Biriish laga sameeyay laagta Kalowley, kaasi oo markii la sameynayay aan laga fikirin cabirka biyaha laagta soo maraya iyo u adkaysiga nooce dhisme ee Meesha laga bineeyay, Biriishkan  oo marin u ahaa gaadiidka basaska ee u adeega bulsha weynta xaafada Boqol-jire, balse hadda biriish cusub ee Gabyano loo sameynayay ayaa ka socda, bulshadda xaafadaasi ee gaadiidku qaadi jireen ayaa imika godoonsan.

Waxa kale oo aanu tagnay halka ay iskaga darsamaan laagta Malowle iyo doxa weyn ee Maroodijeex, degaan ahaana ka tirsan Xaraf Jano, iyada oo indhayagu qabteen in ceelashii dooxaasi ku yaalay ee dadka degaanka Xaraf ay qoteen in biyaha daadku soo saareen, isla markaana ay 15 mitir dhulka kor uga soo baxeen, beeraha qaarkoodna 20 mitir oo dhan walba ah uu gooyay.

Si bulshada halkaasi ku nool si loo badbaadiyo waxa la rabba in la bilaabo qorshe biyaha dooxa maraya lagu yaraynlaha iyada oo la adeegsanayo moosaas, dhaamam biyood iyo wax kasta oo xal u noqon kara in lagu dhimo xawaaraha biyaha dooxa maraya.

Hooyo aanu kula kulanay madashada ay iskaga darsamaan Dooxa Maroodijeex iyo Laagta Malowle, ayaa sheegtay in biyihii daadku inta badan beerteedii ay qaateen waxaanay tidhi “Hooyo aniga beertaydii intii badnayd waxa qaaday biyihii dooxa ee halkan soo maray, ceelkan oo beerta dhexdeeda ka qodna hadda waad aragtaan in uu dooxa dhexdiisi yahay, beerta inta hadhayna waxa aanu ka casbi qabna in uu daadku qaado”

Gaba-gabadii

In la sameeyo Khariirada khataraha daadadka taas oo siyaasiyiinta, dadka aqoonyahanka ah, khabiirada degaanka tusaysa in Hargeysa iyo goobaha kale ee biyaha dhaca lih in ay u baahan yahan yihiin in loo sameeyo kaabayaal, kuwaas oo ah waxa kaliya ee lagu badbaadin karro bulshada, beeraha iyo kaabayaasha dhaqaale ee had iyo jeer ay saameynta ku yeeshaan khataraha fatahada daadku.

Leave a Reply