Guddoomiye Xinif oo 118-kun oo dollar  farta ka saaray Dhallinyaro Muwaadiniin ah

0
476

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland, mudane Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, ayaa qadar lacageed oo dhan 118-kun oo dollar ku wareejiyay 59 dhallinyar ah.

Dhallinyaradan ay hay’adda qaxoontiga iyo hay’adda IOM ay kuwareejiyeen ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii hore waddanka uga tahriibay lagana soo celiyay waddamadda Liibiya iyo Suudaan iyo shaqsi kasta farta laga saaray $2000 (laba kun oo dollar) .

Lacagtan ayaa  loogu talo galay in dhalinyaradaasi ay ku abuurtaaan fursado ganacsi oo ay naftooda iyo ta qoysaskooba wax ugu taraan.

Guddoomiye Xinif isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Kuwa Tahriibku niyadooda ku jiro, si aanay dawladdu u qancin karrin ayaad idinku u qancin kareysaan.

Waxa la idin siinaya in aanu baahidiina iyo baahida qoyskiina, iyo ka qaraabadiina midna aanu kaafiyi kareynin, balse xagga kale markaad ka eegto marka horeba maad haysan, marka waxaan idinkala dardaarmaya in waxa la idin siiyay aydaan xaaran iska gelin”

Guddoomiyaha ayaa dhallinyarada kula dardaarmay in lacagta la siiyay aanay wax khaldan iska gelin.

Leave a Reply