Saldhig Boolis oo laga Dhagax-dhigay Degmada Bali-gubadle.

0
434

Balligudbadle (Dawan) – Saldhigan fulintiisa ayaa waxa iska kaashan doona xukuumadda Somaliland iyo hay’adda UNDP, kaas oo dhismihiisa ay fulin doonaan ciidanka booliska Somaliland hoggaankiisa dhiska.

Masuuliyiin ka socday hay’adda UPNP ayaa sheegay in hay’addaasi xukuumadda Somaliland kala shaqayso arrimo kala duwan oo la xidhiidha ammaanka iyo horumarinta kaabeyaasha bulshada, waxaanuu xusay in dhismaha saldhigyadan ay dhisanayaan gobolo Somaliland ah ay ku timi wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adda UNDP iyo Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Awd, taliyaha ciidanka booliska ee gobolkaas iyo masiiliyiin kale oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in saldhigaasi yahay mid degmada Balli-gubadle u baahnayd, waxaanay intaas ku dareen in saldhigaasi ka qayb qaadan doono kor u qaadida ammaanka degmadaas.

Ugu dambayn guddoomiye ku-xigeenka guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in saldhigani uu ka mid yahay heshiis ay wada galeen taliyaha ciidanka booliska, wasaaradda arrimaha gudaha, guddida qandaraasyada qaranka iyo hay’adda UNDP, kaas oo nuxurkiisu yahay in saldhiyo boolis laga dhiso qaar ka mida gobolada dalka, salidhigan laga dhagax dhigay degmada Balli-gubadle-na uu yahay kii saddexaad ee la dhagax dhigo.

Leave a Reply