Natiijada Dagaalka Nukliyeerka

0
796

Weedha Jiilaalka Nukliyeerka (atomic Winter) waxa ay ahayd kelmad si firfircoon loo adeegsan jiray markii lagu jiray dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti.

Aragtidani waxa ahayd saameyn deegaan oo mala awaal ah oo dhinac cimilada ah, taasi oo hoos u dhigaysa heerkulka dhulka 25 darajo (250 centigrade).

Arrintan ayaa sida mala awaalka lagu sheegay  xannibaysa fallaadhaha qorraxda, taasi oo mid ka timi qarax nukliyeer.

Waxaana ay sheegaan in ay baraf iyo qabow xad dhaaf ahi uu ka dhacayo dhulka kaasi oo ka dhigaya meel ay noloshu burburaysa. Waa saadaasha ay sheegaan marka uu dhaco dagaalka hubka halista ah, laakiin xaqiiqda dhulkan iyo sida uu noqonaya waxa garanaya oo keliya Allah (sw) abuuray, ee buurka ku adkeeyaya, noloshana ka suurgeliyay

Leave a Reply