Bukayo Saka oo Joojiyay Wada-hadalladii Heshiis Kordhinta ahaa ee uu kula Jiray Arsenal

0
531

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa joojiyay wadahadaladii heshiis kordhinta ahaa ee uu kula jiray kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Saka ayaa la sheegayaa in uu joojiyay wadahadaladii uu kula jiray kooxda Arsenal ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu kooxda uga caawiyo dagaalka ay ugu jirto kaalinta 4-aad ee premier league.

Gunners ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga ugu fiican kooxda si ay u hubiso in uu muddo dheer sii joogo kooxda Arsenal.

Heshiiska Saka ee Arsenal ayaa dhici doona xagaaga 2024 isaga oo qaata lacag dhan 35 kun oo Gini todobaadkii laakiin kooxda ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Saka ayaa dhaliyay 7 gool 4 kalena caawiye ka noqday premier League xilli ciyaareedkan 24 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa xiiso ka helaya kooxaha Liverpool, Man City, Bayern Munich iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga da’yarka ah ee aadka loo qiimeeyo.

 

Leave a Reply