Wasaaradda Deegaanka oo Bad-baadisay 15 Harimacad

0
383

Burco (Dawan): Wasasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigtay 15 Harimacad oo sifo sharci darro ah loogu haystay degaanka Kabo-dheere oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Kadib hawl-gal ay si wada jir ah uga fuliyeen deegaanka Kabo-dheere, wasiirka wasasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland, maamulka gobolka Togdheer, ciidamadda booliska gobolka Togdheer, iyo masuuliyiinta wasaaradda degaanka ee gobolka Togdheer waxay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigeen 15-kaasi Harimacad.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka wasasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland oo ku sugan magaaladda Burco ee gobolka Togdheer oo ay hawlo shaqo u joogto, oo ay wehelinayeen maamulka gobolka Togdheer, ayaa soo bandhigay Harimacadkaasi ay soo qabteen oo meel beer ah lagu hayay.

Shan iyo tobankan Harimacad oo ah kuwo aad u yar yar ayaa la qiyaasayaa in la doonayay in wadamadda dibadda loo dhoofiyo, kuwaasoo laga soo qabsaday deegaamadda duurka ah.

Waa markii ugu horaysay oo tiro sida u badan oo Harimacaddo ah hal mar isla hal meel loogu soo wada qabto guud ahaanba goboladda dalka Somaliland.

Sida ay sheegtay wasiirka wasasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka warbixinaysay Harimacadkani ay dadka ka ganacsanayay ka soo bad-baadiyeen.

Wasiirku waxay sheegtey cid kasta oo ku luglahayd haysashada 15-kan Harimcad oo Dhalo ah ama aad u yar yar in sharciga la horkeeni doono.

“Meesha laga soo qabtay, waa meel beer ah. Beertaana dad baa leh. Waxaanan anigu indhahayga ku soo arkay halkii ay ku xidhnaayeen Harimacadkaasi, qaar hore ugu dhintayna bakhtigoodii ayaanu ku aragnay, oo Lafahoodii iyo Haragoodiiba ay yaaleen.

Dadka meeshaas leh, waa dad saraakiil ah oo reer Somaliland ah. Waxaanan leeyahay cidii ay gasho baadhista hawshaasi, ee beerta Harimacadka lagu hayay leh, waa in sharciga lala tiigsadaa”.

Geesta kale wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxay u mahadcelisay Ciidanka Booliska gobolka Togdheer oo gacan weyn ka gaystay soo qabashada 15-kan Harimcad.

Halka ay sidoo kalena shacabka ugu baaqday in ay haayadaha amaanka iyo wasaaradda deegaanka ku soo war geliyaan marka ay arkaan Harimacad ama ugaadh kale oo si sharci darro ah loo dhoofinayo.

“Waxaan halkan uga mahad celinayaa ciidanka booliska oo si toos ah, noola hawl galay oo noola soo qabtay Harimacadkani beerta lagu haystay.

Dadweynaha na waxaan leeyahay, marka aad waxyaabahan aragtaan soo sheega. Waxaa jira Xuduud dheer oo furan. Laakiin, meello Kaantaroolo ah ayaa la soo mariyaa, ama meello kale ayaa la soo mariyaa, marka laga keenayo dhinaca Itoobiya.

Haddii aad muwaadiniin tihiin noo soo sheega marka aad aragtaan, oo ciidamadda soo wargeliya, oo wasaaradda deegaanka soo war geliya” ayay tidhi wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

 

 

Leave a Reply