Wasaaradda Tamarta oo Xogta Khayraadka Dalka la Wadaagtay Danjireyaasha JSL ee Caalamka

0
297

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Cabdilaahi Cabdi Faarax oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Mukhtaar Maxamed Cali iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa qaddo sharaf ku maamuusay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibedda Cabdinasir Cumar Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo 15-ka Safiir ee JSL u fadhiya dalalka aduunka, shalay oo ay taariikhdu tahay 01.03.2022.

Madasha qado-sharafta oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa, ayaa waxa Agaasimayaasha Waaxyaha wasaaraddaasi ee Macdanta, Shidaalka iyo Tamarta ay safiirrada ugu bandhigeen Khayraadka Dalka ee kala duwan, sida Macdanta, Shidaalka iyo dhanka Tamarta, iyagoo u sharaxay qorsheyaasha wasaaradda ee ku salaysan siyaasadda qaran ee ka faa’idaysiga khayraadka dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo macdanta Mukhtaar Maxamed Cali oo hadal ka jeediyey munaasibada, ayaa sheegay in ujeeddada kulanku ay tahay inau wasaaraddu la wadaagto safiirrada xogta illaha khayraadka dihin ee dalka “safiirrada waxaannu doonaynaa in aanu siino xogta khayraadka dihin ee dalkeena uu alle ku manaystay si ay u raadiyaan maalgashadeyaal”ayuu yidhi Md. Mukhtaar oo xusay inay danjireyaasha laftooda waxtar aqooneed u tahay helida xogta dalkooda ee la xidhiidha khayraadka dabeeciga ah.

Agaasimaha waaxda xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafadda Cabdifataax Mirre oo halkaas ka hadlay, ayaa ku booriyey safiirrada inay xambaaraan xogta iyo xaqiiqada fursadaha maalgashi ee dalka yaalla, una bandhigaan daneyayaasha dalalka ay jooggaan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibada Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa dhankiisa uga mahad celiyey madaxda wasaaradda tamarta iyo macdanta deddaalka ay ugu jirto horumarinta ka faa’idaysiga hantida dihin ee qaranka, waxaanu sidoo kale bogaadiyey xog-isweydaarsiga ay ku casuuntay wasaaraddu danjireyaasha “safiirradu xafiisyada ay joogaan kuma jooggaan shaqo ay u hayaan wasaaradda arrimaha dibada, balse waxa ay metelaan qaranka Somaliland oo dhan, sidaas darteed waa muhiim inay xog fara badan ka hayaan khayraadka dalkeena”

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo macdanta Cabdilaahi Cabdi Faarax, ayaa danjireyaaal JSL uga mahad-celiyey shaqada culus ee ay qaranka u hayaan, isagoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan, isla markaana iib-geeyaan horumarinta qadiyada iyo khayraadka dalka.

Wasaaradda tamarta iyo macdanta JSL ayaa deddaal xooggan ugu jirta sidii loo soo saari lahaa khayraadka Waddanka.

 

Leave a Reply