Magaalada Hargeysa oo laga Daah’furay Qaybtii 2’aad ee lagu Qiimayn Doono Shaqaalaha Dawlada ee sida Hagar la’aanta ugu Shaqeeyay Bulshada.

0
382

Hargeysa (Dawan)   – Waxa kulankaas hadal ka jeediyay madaxa qiimaynta mashruucan ee ISIR, Axmed Maxamed Cali oo sheegay in qaybtani tahay tii labaad ee hay’addaasi ay dalka ka fuliso, waxaanuu intaas ku daray in mashruucaas ay iska kaashan doonaan fulintiisa hay’adda kale ee Accountability Lab.

Drs. Guddoon Aadan Cabdi oo ka mida dhakhaatiirka cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaanay sheegtay in talaabadani tahay mid dhiirighelin u ah dadka haya adeegyada loo hayo bulshada.

Ugu dambayn waxa halkaas hadal ka jeediyay, soona dhaweeyay mashruucaas guddoomiyaha komishanka maamul-wanaaga Liibaan Ismaaciil Buraale,w axaanuu xusay in ay tahay labaabo haboon in la qiimeeyo dadka haya adeehyada bulshada ee muujiyay dadaalka.

Leave a Reply