Maalmaha La Joogo Ka Faa’iidayso!

0
235

Nin caqli badan ayaa la weydiiyay arinka ugu yaabka badan ee dadku ku hamiyaan ? Waxaana uu ku jawaabay “ Dadku waxay ku daalan caruurnimada waxayna degdegsadaan inay weynaadaan, haddana waxay ku daalaan weynaanta waxayna jeclaystaan inay caruur ku noqdaan mar labaad,  Waana astaamaha Aadamiga.

Caafimaadkooda waxay ku lumiyaan sidii ay xoolo u raadinayaan, ma seexdaan , wax badan ma cunaan, mana nastaan waa safar joogto ah.

Marka ay maalka helaan xanuunkii ayaa haleela waxay doonaan inay ku iibsadaan caafimaadkii mana u suuragasho. Waxay dadku ka werweraan maalmaha mustaqbalka “maqanah soo socda” , waxayna ilaabaan maalmaha ay joogaan iyo sida looga faa’iidaysto.  Haddii ay hortooda eegi laahaayeen way socon lahaayeen laakiin waxay eegayaan dhinca danbe iyo wixii tegay markaasay dhaqaaqi waayaan oo halkaa taagnaadaan. Koox aad yar ayaa xaga hore eegta waana kuwa horumarka sameeya.

Leave a Reply